Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

WAR DHAN: Mustaqbalka Messi Ee Barcelona Oo Dhinac U Dhacay & Kooxda

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu saxeexida heshiis kula heshiiyay kooxdiisa Barcelona balse uu kaddib heshiiskaas ku biiri doono koox kale oo ay xataa Barca la ogoshahay.Messi ayaa ku dhawaaday suuqii xagaaga ee sanadkii hore inuu iskaga tago Camp Nou, haatan markale mustaqbalkiisa ayaa ah mid aan meel si rasmi ah loogu hubin.Si kastaba, sida uu sheegayo wargeyska Sport Messi ayaa ku dhaw inuu heshiis cusub oo laba sano ah u saxeexo Blaugrana kahor inta uusan heshiis kale oo laba sano…

Pogba-ha Brazil Ee Kusoo Jeeda Premier League, Chelsea Oo Iibinaysa

Tababareyaashii hore ee Juventus ee Andrea Pirlo iyo Maurizio Sarri ayaa lala xidhiidhinayaa Everton oo toddobaadkii hore uu ka tegay Carlo Ancelotti oo ku laabtay Real Madrid. (Calvio Mercato)Xiddiga khadka  dhexe ee reer England ee Jack Grealish oo 25 jir ah ayaa kusii negaanaya kooxdiisa Aston Villa, sababtuna waa in aanay Man United iyo Man City awoodi karayn in ay bixiyaan £130 milyan oo Gini oo lagu xidhay saxeexiisa, sida uu sheegay kabtankii hore ee Villa ee Gabriel Agbonlahor. (TalkSport)Kabtanka Manchester City ee…

Bruno Fernandes Oo La Siinayo Lambarka Uu Ku Riyoodo Inuu U Xidho

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ugu dambayn la siinayaa lambarka uu ku riyoodo in uu xidho kaas oo uu sugayay in muddo ah in kooxdiisa Man United y guddoonsiiso.Fernndes oo Manchester United u xidhnaa No.18 tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting Lisbon, waxaana uu ku riyoonayay, muddo na uu sugayay in laga beddelo lambarkaas oo uu hore u xidhan jiray Paul Scholes.Kubbad-sameeyaha reer Portugal oo ay United kasoo bixisay £46.6 milyan oo Gini, ayaan ku qanacsanayn lambarka uu xidho, waxaana uu doonayaa in…

RASMI: Xiddigii Sannadka Ee Arsenal Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Laacibka Ku

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shaacisay xiddigii ugu wanaagsanaa kooxdeeda xilli ciyaareedkii tegay, waxaana ku guuleystay 19 jir wacdaro ka dhigay garoomada oo ka bandhig sarreeyey ciyaaryahannadii kale ee waaweynaa.Bukayo Saka ayay u ahayd toddobaad farxadeed sababtoo ah, waxa uu markii ugu horreysay u saftay xulka qaranka England oo uu waliba u dhaliyey goolkii madiga ahaa ee ay kaga badiyeen Austria oo ay ciyaar saaxiibtinimo ku kulmeen, taas oo ay iskugu diyaarinayeen tartanka qaramada Yurub.Da’yarkan oo qayb ka ah…

Maxay Ahayd Ujeeddadii Qarsoonayd Ee Kulankii Saaxiibtinimo Ee Spain

Spain iyo Portugal ayaa xalay ciyaar saaxiibtinimo ku dheelay magaalada Madrid, waxaanay ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah inkasta oo ay jireen fursado dahabi ahaa oo ay iska khasaariyeen.Kulankan oo ahaa mid ay labada waddan iskugu diyaarinayeen tartanka Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya, waxa kasoo muuqday xiddigaha waaweyn ee labada  waddan sida Cristiano Ronaldo, Bruno Fernandes, Alvaro Morata iyo Thiago Alcantara.Ciyaartan waxa daawanayay Boqorka Spain ee King Felipe VI iyo Madaxweynaha waddanka Portugal ee Marcelo…

Joel Glazer Oo Qasnaddiisa U Jabinaya Saxeexyada Xiddigo Waaweyn Oo

Manchester United ayaa la gelinayaa lacag badan oo dib u dhis ballaadhan loogu samaynayo, sida uu ballan-qaaday guddoomiyaha kooxdaas ee Joel Glazer oo xaqiijiyey in qoyskoodu ay qasnaddooda u furayaan sidii ay kooxda dib u dhis ugu samayn lahaayeen.Joel Glazer oo gellinkii dambe ee Jimcihii shalay ka qayb-gelayay Guddi ay wada-jir u sameeyeen kooxda iyo taageereyaasha, kaas oo talooyinka muhiimka ah ee kooxda go’aan ka gaadhi doona, ayaa waxa uu caddeeyey in ay diyaarinayaan lacag malaayiin Gini ah oo gacanta laga gelin…

Xiddigaha Soomaaliga Ah Ee Abdi Sharif Oo Ka Tegaya Liverpool –

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay liiska ciyaartooyo si xor ah uga tegaya xagaagan oo uu ku jiro xiddiga Soomaaliga ah ee Abdi Sharif oo u ciyaarayay kooxda da’yarta Liverpool.War-saxaafadeed ay shalay soo saartay ayay Liveprool ku sheegtay, in afar ka mid ah ciyaartoydeeda da’yarta ay si xor ah uga tegayaan kooxda kaddib markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka 2020-21.Liam Coyle, Joe Hardy, Jack Walls iyo laacibka Soomaaliga ah ee Abdi Sharif ayay Liverpool sheegtay in ay iska tegayaan, iyadoo uga…

AKHRISO: Aguero, Luiz, Rose, Romero, Cahill, Sakho, Caballero,

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda sida xorta  ah uga tegaya ee ay fasaxeen kaddib markii uu furmay suuqa iibka ciyaartoyda, waxaana ku jira xiddigo waaweyn oo haddaba saxeexyadooda ay naadiyo kale shaaciyeen.In ka badan 100 ciyaartoy ayay kooxahoodu ku wargeliyeen in ay iska tagaan oo aan loo cusboonaysiin doonin qandaraasyadooda, halka kuwo kalena ay iyagu diideen in ay saxeexaan heshiisyo cusub xilli kooxahoodu doonayeen in ay sii haystaan.Manchester United, Chelsea, Liverpool, Arsenal iyo…

Ciyaaryahanadda Argentina & Uruguay Oo Ku Biiray Xiddigaha Brazil Ee Iska

Tartanka qaramada Latin America ee Copa America 2021 ayaa qarka  u saaran in gebi ahaanba meesha laga saaro kaddib markii ay ciyaartoyda Brazil oo hore u sheegay in aanay ka qayb-geli doonin amaba ciyaari doonin tartankan haddii lagu qabto waddankooda.Xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee  CONMEBOL ayaa toddobaadkii hore go’aamiyey in waddanka Brazil lagu qabto tartankan oo bishan gudaheeda bilaabmaya, halkii ay ahayd in Argentina iyo Colombia ay si wada-jir ah u martigeliyaan.CONMEBOL ayaa waxa uu hore daaqadda uga…

Portugal & Spain Oo Is-mari Waayey, Ronaldo & Moratta Oo Iska Hor

Labada waddan ee loo saadaalinayo koobka qaramada Yurub ee xagaagan ee Portugal iyo Spain ayaa goolal la’aan ku kala baxay kulan saaxiibtinimo oo ay ugu diyaar-garoobayeen tartankaas oo caawa ku dhexmaray garoonka Atletico Madrid ee Estadio Wanda Metropolitano ee magaalada Madrid.Xulka difaacanaya koobka qaramada Yurub ee Portugal ayaa lasoo galay shax adag oo ay hormood ka ahaayeen Cristiano Ronaldo, Diogo Jota, Joao Felix iyo Pepe, kuwaas oo ay qaybtii dambena soo raaceen Bruno Fernandes, Rafa Silva, Carvalho iyo laacibiin…