Maxay Tahay Sababta Ay Man United Iyo Liverpool Ugu Dabaaldegeen

Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa ahaa kuwo ay xalay dani ugu jirto guushii ay kooxda Chelsea kasoo hoysay UEFA Champions League oo ay kaga guuleysatay dhigeeda Manchester City ciyaar magaalada Porto ka dhacday.

Danta ugu jirtay United iyo Liverpool ayaa ahayd in ay xilli ciyaareedka dambe wajihi karaan kooxo aan aad u xooganayn iyaga oo ka badbaaday badi kooxihii awood ahaan badnaa.

Guushaas oo ahayd mid 1-0 ah oo ay Chelsea ku heshay xiddigeeda Kai Havertz ayaa ka dhigan inay markii labaad taariikhdeeda ku guuleysatay koobka.

Dhinaca kale City oo aan wali Champions League ku guuleysan ayaa iyadu ugu yaraan sanadkan isku dajin karta inay kusoo guuleysatay horyaalka Premier League.

Haddaba, kaddib guusha horyaalka ee City waxa ay ka dhigan tahay in kooxdaasi ay khaanadaha qorituurka Champions League ay xilli ciyaareedka dambe khaanada koowaad geli doonaan iyaga oo la gelaya kooxaha kusoo guulestay horyaalada Yurub.

Sidoo kale Chelsea ayaa iyaduna kaddib guushaas gashay khaanada koowaad iyada oo la wadaagaysa kooxo ay kamid yihiin City iyo Villarreal oo iyadu Europa League kusoo guuleysatay.

Dhinacooda United iyo Liverpool ayaa iyaguna inta badan kooxaha magaca weyn kula jira khaanada labaad iyaga oo Group la wadaagi kara kooxo ay kamid yihiin Lille, Villarreal, Sporting, Inter Milan iyo Bayern Munich isla markaana ka badbaaday Real Madrid, Barcelona, Juventus, Dortmund iyo Sevilla.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More