MUHIIM: Macalinka Dookha Koowaad U Ah Real Madrid Ee Mauricio

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa lagu soo warramayaa inuu kooxdaas weydiistay bixitaan iyadoo lala xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid iyo Tottenham oo uu horeba usoo maamulay.

- Advertisement -

Real Madrid oo raadinaysa tababare cusub kaddib markii uu Zinadine Zidane bixitaankiisa xaqiijiyay ayaa saxeexa Pochettino haddiiba uu Paris ka tago kula tartami doonta Tottenham oo dib u doonaysa.

Pochettino ayay sanadkii 2019 shaqada ka caydhisay Tottenham waxaana ay ku qaadatay mudo sanad ah inuu sugo shaqo kale, maadaama oo uu yahay ciyaaryahan hore oo PSG ah waxa uu u muuqday mid isaga iyo Paris la iskugu talo-galay.

Laakiin Paris ayaa xilli ciyaareedka ku dhammaysatay qaab aan fiicnayn iyaga oo wareega afar dhammaadka kaga hadhay Champions League isla markaana horyaalka Ligue 1 u waayay Lille.

Pochettino ayaa ku dhibtoonaya kooxda si lamid ah tababarayaashii ka horreeyay ee Tuchel iyo Emery maadaama oo uu banaanka garoonka kooxda ugu awood badan yahay agaasime Leonardo halka garoonka dhexdiisa ay hormood ka yihiin Neymar iyo Mbappe.

Tottenham oo caydhisay dhawaan Mourinho ayaa siin karta awooda maamul ee uu doonayo halka Real Madrid oo uu horeba u qirtay inuu ku riyoodo maamulideedu ay saxeexiisa ka dhigatay muhiimada koowaad sida lagu sheegay shabakadda Goal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More