Waa Kuma Xiddiga Chelsea Ka Tirsan Ee Xalay Gadhka Iskaga Dhex Xiiray

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Jorginho ayaa garoonka dhexdiisa lagaga xiiray gadhka kaddib Final-kii UEFA Champions League ee ay xalay guusha ka gaadheen Manchester City.

Jorginho ayaa gadhkiisa garoonka ku xiiray maadaama oo uu ku guuldarraystay sharad uu la galay mid kamida saxafiyiinta gegida joogtay oo lagu magacaabo Fred Caldeira.

Sharadka ayaa ahaa in haddii ay Chelsea ku guuleysato Champions League gadhka laga xiiri doono Jorginho halka saxafiga qudhiisana laga xiiri doono shaarubaha oo ugu dambayn uu isagana Jorginho ka xiiray.

Intii uu socday waraysi kulanka kaddib laga qaaday xiddiga Talyaaniga ah ayaa la keenay qalabka gadh-xiirka iyadoo si toos ah kaamerada horteeda loogaga xiiray gadhka Jorginho.

Kaddib markii uu isla saxafi Fred Caldeira gacantiisa kaga xiiray gadhka, sharadka ayaan ahayn mid kaliya halkaas ku dhammaaday balse 29 sano jirkaas ayaa qaybta labaadi u noqon doontaa inuu shaarubaha la baxo.

Jorginho oo kaddib guushaas ka hadlay waxyaabaha uu kasoo maray kubadda cagta ayaa sheegay inuu doonayay inuu gabi ahaanba kubadda cagta ka fadhiisto balse ay waalidkii kahor istaageen iyagoo xalay kula dabaaldegay garoonka dhexdiisa kaddib guushiisii CL.