Kevin de Bruyne Oo Shaaciyey Inuu Soo Gaarey Dhaawacii Joe Saunders
Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa dhaawac kaga baxay kulankii finalka Champions League ee ay Chelsea 1-0 kaga badisay Man City, koobkana ay ku qaadday Blues oo ku hor-damaashaadday Citizens oo ahayd kooxda inta ugu badan loo saadaalinayay in ay koobkan hanan toonto.
- Advertisement -
Kubbad-sameeyaha reer Belgium ayaa garoonka ka baxay daqiiqaddii 60aad ee qaybta labaad kaddib waqti uu garoonka dhex-jiifay oo ay shaqaalaha caafimaadka Man City la tacaalayeen, waxaana ugu dambayntii loo qaaday dhakhtarka iyadoo ciyaartu socota.
De Bruyne ayay isku dhaceen Antonio Rudiger, waxaana markiiba la arkayey iyadoo isha bidix madoobaatay.
Maanta duhurkii ayuu De Bruyne kasoo baxay dhakhatarka, waxaana uu xaqiijiyey in uu laba meelood ka jabay, taas oo halis gelinaysa in uu ka qayb-geli doono tartanka Euro 2020 ee bisha June bilaabmaya.
Inkasta oo aanay Manchester City warbixin kasoo saarin dhaawacan, haddana De Bruyne ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada waxa uu ku sheegay in uu ka jabay lafta isha agteed iyo sanka labadaba, laakiin ugu dambayntii uu kasoo baxay cusbitaalka.
“Salaan, hadda ayaan kasoo baxay cusbitaalka. Waxa layga daaweeyey oo la kabay lafta san-qaroodka iyo lafta dhinaca bidix ka xigta isha. Hadda waa caadi.
“Wali waxaan la niyad-jabsanahay guul-darradii shalay, laakiin waanu soo laaban doonaa.”
Dhaawaca noocan ah ayaa waxa uu horraantii bishan soo gaadhay feedhyahanka Billy Joe Saunders oo ka jabay san-qaroorka iyo lafta isha agteeda xilli ay feedhtamayeen Cancelo Alvarez.