Lacagtu Champions League Ma Goyso!! – Akhriso Lacagta Uu Guardiola

Tababare Pep Guardiola ayaa xalay lumiyay fursad weyn oo uu ugu guuleysan karayay Champions League markale ciyaartii ka dhacday Estadio Do Dragao halkaas oo ay Chelsea guul 1-0 ah kaga gaadhay.

Kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa bil gudaheed dhigeeda uu Guardiola hoggaanka u yahay saddex tartan oo kala duwan saddex guulood kaga gaadhay iyaga oo xalay guushii uu Kai Havertz ku hoggaamiyay CL ku helay.

Tan iyo magacaabistii Guardiola ee 2016, Manchester City ayaa qabsatay kubadda cagta England iyaga oo kusoo guuleystay saddex horyaal Premier League, afar Carabao Cup, hal FA Cup iyo laba Community Sheild.

Kulanka kaddib Guardiola ayaa dhunkaday bilada booska 2-aad isaga oo muujiyay waxa ay uga dhigan tahay kooxdiisa inay markii ugu horreysay Final-ka gaadho.

Manchester City ayaa ku biirtay liiska 20 kooxood oo dhammaantood gaadhay Final-ka Champions League balse aan marnaba ku guuleysan.

Intaas waxa u dheer in Sky Blues shanta sano ee uu joogay tababare Guardiola ay suuqa ku bixiyeen lacag 938 Milyan oo euro ah balse aysan wali awood buuxda u lahayn ku guuleysiga koobka ugu weyn Yurub.

Kaddib 938-ka Milyan ee euro ee ay bixiyeen, City ayaa 315 Milyan oo euro ka samaysay lacagta xiddigaha ay iibisay taas oo lacagta ka baxday ka dhigaysa 623 Milyan oo euro.