Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xiddig Weyn Oo Ka Tegay Chelsea, United Oo Weerar Ku Qaadday Bayern,

Manchester United ayaa rajaynaysa in saxeexa Jadon Sancho ay ku dhawaaqdo marka uu dhamaado tartanka Euro 2020. 21 jirkan ayay mar horeba la gaadheen heshiis shaqsi ah. (Sun)United waxay diyaarisay dalab ay ka gudbinayso garabka weerarka Bayern Munich ee Kingsley Coman oo 24 jir ah, waxayse kaliya u dhaqaaqayaan haddii ay ku guul-darraystaan saxeexa Sancho. (Sport 1)Juventus ayaa xiisaynaysa saxeexa weeraryahanka Tottenham iyo xulka England ee Harry Kane, laakiin waxa caqabad weyn ku ah qiimaha guddoomiyaha Spurs ee Daniel…

Kevin de Bruyne Iyo Xiddig Kale Oo Muhiim Ah Oo Ka Maqan Belgium

Xulka qaranka Belgium ayaa xaqiijiyey in kulankooda ugu horreeya tartanka qaramada Yurub ee Euro ee Sabtida ay la ciyaari doonaan Ruushka ay ka maqnaan doonaan laba ciyaartoy oo laf-dhabar ah.Kevin de Bruyne oo dhaawac kasoo gaadhay finalkii Champione League ee Man City iyo Chelsea ayaa horeba loosii sheegay inuu seegayo kulanka ugu horreeya ee Belgium ku furanayo ciyaaraha Yurub, waxaana soo raacaya Axel Witsel oo khadka dhexe oo isaguna aan qayb ka noqonin safarka waddankiisu ku tegay Ruushka.De Bruyne ayaa kasoo kabtay…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Italy vs Turkey Ee Kulanka Furitaanka Euro 2020

Tartanka qaramada  Yurub ee Euro ayaa si rasmi ah u bilaabmaya, waxaana lagu furayaa waddamada Talyaaniga iyo Turkey oo ku wada ciyaaraya garoonka Olimpico ee magaalada Rome.Xulka qaranka Talyaaniga ayaa kusoo galay shaxdii ugu adkayd, iyadoo tababare Roberto Mancini uu hubkiisa culus oo dhan soo qaddimay.Goolhaye Donnarumma ayaa kusoo bilowday, halka difaaca dhexena ay wada taagan yihiin Bonucci iyo Chiellini oo ay garbaha ka xigaan Florenzi iyo Spinazzola. Khadka dhexe ayay wada taagan yihiin Jorginho, Barella, Locatelli…

Miyaa La Fasaxay? Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaarey Mustaqbalka Marcelo

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee Marcelo oo xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ku jiray kaydka iyadoo uu Zinedine Zidane ka doorbiday Ferland Mendy iyo ciyaartooyo kale oo da’yar ah.Marcelo oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ka hadhsan yahay sannad kaliya, ayaa waxa uu sii joogi doonaa Santiago Bernabeu xilli ciyaaareedka 2021/22 oo marka uu dhamaado uu xor ka noqon doono Los Blancos.June 2022 ayaa uu Marcelo ku egyahay heshiiskiisu, waana maalmo yar kaddib marka uu…

Magacyada SAGAAL Ciyaartoy Oo Liverpool Ay Ka Caydhinayso Kooxdeeda

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp iyo madaxa suuqa ee Michael Edwards ayaa suuqa soo dhigay sagaal ciyaartoy oo ka tirsan kooxdaas oo ay iibinayaan inta uu furan yahay suuqa  iibka ciyaartoyda ee xagaagan.Klopp iyo Edwards ayaa si wada-jir ah uga shaqaynaya sidii ay kooxdu u heli lahayd ciyaartooyo tayo leh oo wax kusoo kordhiya xilli ciyaareedka dambe, laakiin waxa hortaalla caqabad ah inay kaliya kuwa ay haystaan suuqa dhigaan oo ay iibiyaan, si ay ugu soo beddelan karaan laacibiin kale.Liverpool ayaa haysata…

Iska Illow Ronaldo, De Bruyne & Lukaku – 40ka Xiddig Ee Ugu Wanaagsan

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa noqday ciyaartoyga ugu wanaagsan ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaana uu ka horreeyaa laacibiinta aad rumaysnayd inay booskaas cidhiidhsanayaan.Cristiano Ronaldo oo sannadkii 2016 ku guuleystay xiddiga tartankan iyadoo uu qarankiisuna qaatay koobka, ayaa ku jira kaalinta shanaad, taas oo markhaati ka ah in da’du saamayn badan ku yeelatay oo ay kubaddiisu taagan tahay xilligii ay hoos u soconaysay.Kevin de Bruyne ayaa ah ciyaartoyga labaad ee ugu wanaagsan…

Waqtiga Manchester United Ku Dhawaaqayso Heshiiska Jadon Sancho Oo

Manchester United ayaa kordhisay lacagta ay ku doonayso xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ahayd £67 milyan oo Gini kaddib markii ay Borussia Dortmund soo diiday, waxaanay wararku sheegayaan in kooxda reer Germany ay dalbanayso £77.5 milyan oo Gini.United oo heshiis shaqsi ah lasii gaadhay Sancho ayaa ku qanacday in lacagta Dortmund ay dalbanayso ay bixiso, laakiin qayb ka mid ah ay ahaato mid ku xidhan bandhigga ciyaartoyga, halka kooxda reer Germany ay iyaduna doonayso in lacagtan ay ahaato kaash oo waliba ay la…

Ma Aamini Karaan Jamaahiirta Man United!! – Jadon Sancho Oo Tilmaamay

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa shaaca ka qaaday kooxda Premier League ka ciyaarta ee uu taageeraha u ahaa carruurnimadiisii.Jadon ayaa tan iyo xagaagii 2020 lala xidhiidhinayaa kooxda Manchester United isaga oo haatan markale heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxdaas isla markaana kalsooni weyn lagu qabo in markan uu qandaraasku dhici doono.Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa dookha koowaad ee xiddigaha uu suuqa ka doonayo ka dhigtay Sancho, Dortmund ayaa lacag 80 Milyan oo pound ah ku xidhay iibkiisa…

Jose Mourinho Oo Soo Xushay Shaxda Uu England Ku Ciyaarsiin Lahaa Euro

Tababaraha kooxda AS Roma dhawaan loo magacaabay ee Jose Mourinho ayaa soo doortay shaxdiisa xulka qaranka England oo dhawaan tartanka Euro ciyaaraya xilli ay haystaan saf ciyaartoy ah oo rajo weyn laga qabo.England ayay markii ugu dambaysay ee ay koob weyn ku guuleysteen ahayd sanadkii 1966 waana mid kamida sababaha ay ugu baahi qabaan hanashada Euro ee sanadkan iyadoo sidoo kale cadaadiska ah inay ku guuleysteen uu ku badan yahay.Mourinho oo soo xushay shaxda uu kulankooda ugu horreeya ee Croatia ku ciyaari lahaa ayaa…

Markii Hore Buendia Haatana….- Mourinho Oo Markale Xiddig Mucjiso Ah

Kooxda AS Roma ayaa lagu soo warramayaa inay xoojisay xiisaha ay u qabto saxeexa kubad sameeyaha kooxda Feyenoord ee Orkun Kokcu taas oo ka dhigan inay Arsenal seejin karaan bar-tilmaameedkoodii labaad mudo toddobaad gudaheed ah.Arsenal oo horeba Emilliano Buendia si lama filaan ah ugu weyday dhigeeda Aston Villa ayaa haatana dhib ka maraysa inay Roma kaga guuleysato saxeexa xiddiga Turkish-ka ah.Lyon ayaa sidoo kale ah koox xiiso u qabta saxeexa 20 sano jirkaas oo mudo 22 kulan ah usoo ciyaaray Feyenoord kulamada horyaalka…