Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ee La Xidhay Kaddib Markii Uu Ka Qayb Galay

Xiddiga boosaska badan sida khadka dhexe iyo daafaca midig uga ciyaara kooxda Barcelona ee Sergi Roberto ayaa u muuqda mid godkiisa biyo ugu galeen kaddib markii xabsiga loogu taxaabay dalka Greece-ka.

Roberto ayaa xilli ciyaareed adag lasoo dhammaystay kooxdiisa Barcelona maadaama oo ay wareega 16-ka kaga hadheen UEFA Champions League sidoo kalena booska saddexaad ka galeen miiska kala sarreynta horyaalka La Liga.

Qalbi jabkii xilli ciyaareedka ayuu Roberto oo kamida kabtanada Barcelona u raacaa inaan mustaqbalkiisa meel lagu hubin iyadoo kooxda laga diri karo suuqa xagaaga.

Haddaba, sida uu sheegayo hadda wargeyska El Desmarque Roberto ayaa dhawaan ka qayb-galay xaflad sharci-darro ah oo aan xaga dawlada laga ogolayn oo ka dhacday dalka Greece.

Xafladaas ayaa ahayd mid ay boqolaal qof ku qoob-ka-ciyaarayeen iyaga oo jabiyay sharciga xanuunka Korona Fayras waxaana kamid ahaa Sergi Roberto oo sida lagu sheegay El Desmarque xabsiga loo taxaabay.

Xagaagii hore ayay ahayd markii kabtanka Manchester United ee Harry Maguire isagana lagu xidhay isla dalkaas xilli uu dagaal la galay shaqsi qash-qashaaday walaashii walow ugu dambayn lasoo daayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More