Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

RASMI: Mohamed Salah Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta PFA Ee

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa  ku guuleystay abaal-marinta xiddiga Ingiriiska ee PFA ee ay taageereyaashu u codeeyaan.Mohamed Salah ayay jamaahiirtu u doorteen in uu ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii 2020/21, kaddib markii uu dhaliyey 22 gool oo horyaalka ah, shan kale oo caawin ahna uu raaciyey.Inkasta oo aanu midkoodna helin abaal-marinaha xiddiga sannadka ee PFA iyo FWA, haddana jamaahiirta ayaa u xushay Salah inuu ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan.28 jirkan ayaa waqti…

Mendy, Sterling, Mahrez, Laporte – Xiddigaha Ka Tegaya Man City Oo

Manchester City ayaa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan qayb weyn ku yeelanaysa, waxaana bilowgiiba ay noqotay kooxda ugu hadal-haynta badan markii ay albaabka si bilaash ah ugaga baxeen Sergio Aguero iyo Eric Garcia.Pep Guardiola ayaa la filayaa inuu dib u cusboonaysiiyo kooxdiisa oo uu kusoo kordhiyo ciyaartooyo kale, gaar ahaan afarka hore ee weerarka oo bartilmaameed ay u yihiin Harry Kane ama Erling Haaland, laakiin dhinaca kale, waxa uu fasaxayaa laacibiinta uu saluugsan yahay bandhiggooda.Wargeyska MEN ee kasoo baxa…

Seefta Joan Laporta Oo Galka Laga Saaray, Masuul Magac Leh Oo La

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa galka seefta ka saaray, waxaanu ku dhex-dhacay maamulka kooxda oo uu ka caydhiyey agaasimihii ciyaaraha, xilli uu ku hawlan yahay inuu isbeddel dib u qaabayn ku sameeyo kooxda.Guillermo Amor oo Barcelona ka ahaa agaasimaha ciyaaraha tan iyo sannadkii 2017 ayaa Jimcihii laga caydhiyey shaqada, iyadoo uu Laporta ku wargeliyey in dibu-habayn uu ku samaynayo qaybta farsamada ee Camp Nou.Amor oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey ahaa agaasimaha hay’adaha iyo xidhiidhka ciyaaraha ee…

Rio Ferdinand Oo Magacaabay Waddanka Ku Guuleysanaya Koobka, Xiddiga

Rio Ferdinand ayaa magacaabay waddanka ku guuleysan doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee xalay bilaabmay iyo xiddiga ku guuleysan doona abaal-marinta gool-dhalinta ee tartanka.Talyaaniga iyo Turkey ayaa Jimcihii lagu daahfuray tartanka, waxaana guul weyn oo 3-0 ah gaadhay Talyaaniga, halka England ay kulankeeda ciyaari doonto Axadda oo ay ballansan yihiin Croatia.Inta uu tartanku socdo, waxay indhuhu hayn doonaan ciyaartooyo badan oo magacyo waaweyn oo la eegi doono bandhiggooda, sida Cristiano Ronaldo, Kylian…

Forza Azzuri!! Wargeyska Ugu Caansan Talyaaniga Oo Xulka Qarankooda U

Wargeyska ciyaaraha ee ugu caansan Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport ayaa taageero la garab istaagay xulka qaranka dalkaas ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro, kuwaas oo guul weyn ka gaadhay ciyaartii ugu horreysay oo xalay ay 3-0 ku garaaceen Turkey.Xulka qaranka Talyaaniga oo sannadkii 2016 wareegga siddeedda kaga hadhay tartankan ayaa waxay rajaynayaan inay kaalin fiican ka geli karaan tartanka qaramada Yurub ee xilli ciyaareedkan kaddib guushii weynayd ee xalay.Tababare Roberto Mancini ayaa ‘Faraska Madow’…

Muxuu Ahaa Dembigii Ay Xalay Galeen Ciyaaryahanadda Turkey?

Xulka qaranka Turkey ayaa guul-darro weyn la kulmay xalay kulankii furitaanka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee ay la kulmeen Talyaaniga, waxaana lagu garaacay 3-0 ay goolka hore iyagu iska dhaliyeen.Goolka hore ayaa waxa iska dhaliyey difaaca reer Turkey ee Demiral, labada kalena waxa u raaciyey Insigne iyo Ciro Immobile.Intii ay ciyaartu socotay, Turkey ma samaynin khatar badan oo uu halis ku gelin karayo Talyaaniga, waxaana muuqatay in shaxdii uu tababare Senol Gunes lasoo shir-tegay ay ahaayeen kuwo ku qanacsan in…

Kylian Mbappe Oo Qumbulad Ku Tuuray PSG: “Waxa Aan Rajaynayaa In

Qandaraaska uu Kylian Mbappe kula jiro PSG waxa uu dhamaanayaa xagaaga dambe, waxaanu laacibkani mugdi sii gelinayaa mustaqbalkiisa kooxdan iyo haddii uu sii joogayo, isagoo qiray in aanu garanayn inay tahay kooxda u wanaagsan isaga iyo in kale.Mbappe oo k mid h ciyaryahannada ugu wanaagsan dunida, da’diisuna tahay 22 jir, waxa si weyn u raadinaysa kooxda reer Spain ee Real Madrid iyo naadiyo kale oo ka dhisan horyaalka Premier League.Iyadoo 12 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin heshiiskiisa PSG, Kylian Mbappe ayaa…

VIDEO: Go’aan Garsoore Oo Dad Badan Ka Yaabiyay Oo Ka Dhacay Kulankii

Go’aan offside oo la dhigay kulankii furitaanka koobka Qaramada Yurub ee u dhaxeeyay Talyaaniga iyo Turkiga ayaa noqday hadalheynta ugu weyn ee baraha bulshada iyadoo dad badan ay ka doodeen inay aheyd go’aan sax ah ama mid qalad ah.Daqiiqadii 46aad ee kulankii ka tirsanaa Group A xalay oo Jimce aheyd ayaa weeraryahanka Italy Lorenzo Insigne ayaa go’aansaday inuu koorno gaaban u baaso saaxiibkiisa Domenico Berardi oo taagnaa xariiqda goolka gadaashiisa.Italy with the worst corner ever lmfao offside…

Xiddigii Garoonka, Ciyaartoydii Turkey Ee Ceeboobay Iyo Qiimaynta

Xulak qaranka Talyaaniga ayaa guul weyn ku furtay tartanka Euro, waxaana ciyaartii ugu horreysay oo Turkey ay iska hor yimaaddeen ay ku badiyeen 3-0.Goolka hore ayaa daqiiqaddii 53aad waxa iska dhaliyey difaaca reer Turkey ee Derih Demital oo goolkiisa ku leexiyey kubbad uu dhinaca kasoo jabiyey Domencio Berardi. Cirro Immobile ayaa goolka labaad raaciyey daqiiqaddii 66aad halka Insigne uu daqiiqadii 79aad dhamaystiray goolka saddexaad.Markii ugu horreysay 39 sannadood oo tartanka qaramada Yurub uu ciyaaray, Talyaaniga ayaa…

Talyaaniga Oo Ku Tuntay Turkey, Taariikh Madow Oo La Diiwaan-geliyey

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guul ku furtay kulankii ugu horreeyey tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaanay 3-0 ku garaaceen Turkey oo ay ku martigeliyeen garoonka Olimpico ee magaalada Rome.Talyaaniga ayaa soo bandhigay awood iyo kubbad qaan-gaadh ah oo ay ku qarqiyeen Turkey, waxaanay hanteen guul ay u qalmayeen, iyagoo qaybtii horeba dhawr jeer garaacay garaacay goolka.Kulankan oo qaybtii hore kusoo dhamaaday goolal la’aan ayaa markii lagu soo noqday waxa gool iska dhaliyey difaaca reer Turkey ee Merih Demiral oo…