Waad Iska Tegi Kartaa! Thomas Tuchel Oo Qorshihiisa Ka Saaray Xiddiga
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xiddigaha ay xagaagan iibinayso ku dartay laacibka Muslimka ah ee Hakim Ziyech oo sannad ka hor ay kala soo wareegtay Ajax.
Hakim Ziyech ayaa Chelsea u saftay 39 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu ahaa laacibkii kooxdan ku hoggaamiyey in ay timaaddo finalka FA Cup, dhaliyeyna goolkii dilay Man City sem–finalkii, hase yeeshee waxa hadda la sheegayaa in aanu ku jirin qorshaha tababare Thomas Tuchel.
Sida uu qoray wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, labada kooxood oo horyaalka Serie A ka tirsan ayaa si weyn u doonaya in ay la saxeexdaan, kuwaas oo diyaar ula ah Chelsea in ay siiyaan lacagta ay ku xidhayso.
AC Milan oo sannado kaddib kusoo laabatay tartanka Champions League oo ay xilli ciyaareedka dambe ka qayb-geli doonto ayaa waxay qroshaynaysaa in ay lasoo saxeexato ciyaartooyo tayo leh oo ka caawin kara in ay bandhig fiican ka sameeyaan garoomada, isla markaana ku tartami karaan horyaalka Serie A.
Kooxda labaad ee Talyaaniga ah ee doonaysa Ziyech ayaa ah Napoli oo kaalinta shanaad ka gashay horyaalka Serie A, isla markaana barbarro ay gashay kulankii ugu dambeeyey xilli ciyaareedku uu sabab ugu noqday in Juventus ay ka hoos maraan.
Si kastaba, xiddiga reer Morocco ayaa 15 kulan oo kaliya oo horyaalka ah iyo saddex Champions League ugu soo bilowday Chelsea, waxaana uu Thomas Tuchel ka doorbidayaa laacibiinta kale ee faraha badan ee uu haysto.