Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Toddoba Ciyaartoy Oo Fashilmay, Xiddigii Garoonka & Qiimaynta Kulankii

Gool uu qaybtii dambe dhaliyey Raheem Sterling ayaa England u horseeday guul ay ku bilaabatay tartanka qaramada Yurub ee sannadkan, kulan uu tababare Gareth Southgate sameeyey isbeddello badan oo aan qaarkood saadaashaba lagu sii darin.Difaacyada dhexe ayay kusoo bilowdeen Stones iyo Mings maadaama aanu wali taam ahayn Harry Maguire, laakiin boosaska isbeddelka aan xisaabtaba lagu darsan uu ka sameeyey tababaruhu ayaa ahaa difaaca bidix oo uu ka ciyaaray Kierran Trippier iyadoo uu kaydka ku jiro Luke Shaw, isla markaana…

England Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaarey Croatia & Sterling Oo Saddexda

Xulka qaranka England ayaa guul dahabi ah ka gaadhay dhigiisa Croatia oo marti ugu ahaa garoonka Wembley ee magaalada London, kulanka oo qaybtii hore ahaa mid lagu caajisay ayay qaybtii dambe wax yar ka xiiso badnayd midkii hore.Raheem Sterling oo aan u muuqan mid wacan qaybtii hore ayaa awooday inuu goolka madiga ah ee dhibcaha keenay u dhaliyo xulkiisa kaddib caawin cajiib ah oo uu ka helay Kalvin Phillips.Shaxdii Kulankan Ee Labada KooxoodCroatiaFaah-Faahinta CiyaartaDa’yarka England ee Phil Foden ayaa ku dhawaaday inuu…

Barcelona Maanta Ayay Doonaysay Inay Shaaciso Saxeexa Depay

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa ah mid wali ka shaqaynaysa heshiiska ay kula soo wareegayso weeraryahanka Lyon qaabka xorta ah kaga tagaya ee Memphis Depay balse wadahadalada ayaa ah kuwo wax yar hakad galay.Barca ayaa markii hore qorshaysay inay saxeexa Depay ku dhawaaqdo maanta oo Axad ah kahor kulanka furitaanka Euro ee xulka Netherlands caawa uu metelayo ciyaaryahanku.Depay iyo xulka Dutch-ka ah ayaa caawa gegida Cruyff Arena ku bilaaban doona loolankooda Euro 2020 xilli ay soo dhawayn doonaan Ukraine balse waxa ay u…

WARBIXIN: Kabtan Ramos Iyo Madaxweyne Perez Oo Kulmay & Fal-Celintii

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lagu soo warramayaa inuu Jimcihii xerada tababarka kooxdiisa ee Valdebebas kula kulmay madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez oo ay ka wada hadleen markale heshiis kordhin.Ramos ayaa duhurkii Jimcihii tagay xerada tababarka Valdebebas, shaqsiyaadka arkay ayaa la sheegay inay la yaabeen maadaama oo aysan kabtanka kooxda mudo toddobaad ku dhaw arag.Isla ilaha laga helay warka ah in Ramos Jimcihii tagay xerada tababarka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Perez isaguna…

Dareenkii Oohinta Ahaa Ee Qabsaday Qolka Labiska Belgium Oo Uu Asxaab

Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martinez ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha xulkiisu ay ahaayeen kuwo ooyayaya kaddib markii ay daawadeen Christian Eriksen oo si miyir la’aan ah dhulka ugu dhacay kulankii xalay dhex maray Denmark iyo Finland.Eriksen ayaa xaalad deg-deg ah galay isaga oo qarka u fuulay geeri kahor inta aysan gargaar deg-deg ah u samayn qaar kamida xiddigaha xulkiisa iyo waliba dhakhaatiirta caafimaad ee gegida ku sugnayd.Xidhiidhka kubadda cagta Denmark iyo maamulka UEFA ayaa intaas kaddib…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka England vs Croatia – Yaa Kusoo Bilawday

Xulalka Croatia iyo England ayaa galabta iskaga hor imanaya gegida Wembley Stadium kulan ah ku celiska afar dhammaadkii koobka aduunka ee 2018 xilli ay labada kooxoodba furanayaan tartanka Euro.Xulka lagu naanayso saddexda libaax ayaa doonaya guul ay kaga aarsadaan Croatia oo wareegii afar dhammaadka ee koobkii aduunka ku reebay.Tababare Gareth Southgate ayaa shaxdii aanu idinla wadaagnay ee qishkeeda lasii helay kusoo galay isaga oo daafacyada bidix ee Luke Shaw iyo Ben Chilwell labadaba fadhiisiyay kuna ciyaaraya Kieran…

Shaxda England Ay Kala Hortagayso Croatia Oo Lasii Ogaaday & Southgate

Waxa shaaca laga qaaday shaxda uu xulka qaranka England galabta kala hortagi karo dhigiisa Croatia, xulashadan ayaa walow aysan rasmi ahayn haddana durtaba ay jamaahiirta dalkaasi ka cabanayaan.Saxafiga caanka ah ee David Ornstein oo ah midka shaxda helay ayaan goolhayaha uu Southgate kusoo shirtagayo sheegin balse xusay in xulku uu shax afar daafac ah ku ciyaari doono halkii laga filayay shax shan daafac ah oo saddex daafac dhexe ku jiraan.Labada daafac dhexe ayaa noqon doono John Stones iyo Tyrone Mings oo kasoo hormari…

RASMI: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Portugal Oo Korona Fayras

Daafaca midig ee kooxda Manchester City ee Joao Cancelo ayaa gabi ahaanba laga saaray liiska xiddigaha xulka Portugal u metelaya tartanka EURO 2020 iyadoo bedelkiisa loo qaatay Diogo Dalot oo Manchester United ka tirsan. Portugal ayaa kulankoodii ugu horreeyay ee tartanka Salaasada la ciyaari doona dhigooda Hungary, kahor kulankaas ayaa lagu qasbay inay meesha ka saaraan 27 sano jirkaas kaddib baadhitaano lagu sameeyay. Diogo Dalot oo asal ahaan ka tirsan Man United balse xilli ciyaareedkii hore qaab amaah ah ugu…

Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Axad Ah &

Everton iyo Leeds United ayaa ku tartamaya saxeexa difaaca Real Madrid ee Marcelo. 33 jirkan reer Brazil ayay kooxdiisu doonaysaa inay iibiso xagaagan kaddib markii uu meesha ka saaray inuu qandaraaska kordhiyo. (Mirror)Bournemouth ayaa isku dayaysa inay la saxeexago halyeygii Arsenal ee Patric Vieira oo ay doonayaan inuu u noqdo tababarahooda cusub. 44 jirkan ayaa waraysi u maray kooxdan bishii February. (Mirror)Leicester City ayaa kula biirtay Liverpool, Chelsea iyo Tottenham tartanka loogu jiro 22 jirka khadka dhexe uga…

AKHRISO: Sharci Aanad Ogeyn Oo Christian Eriksen Ka Mamnuucaya

Christian Eriksen way uga dhamaatay kubadda cagta xataa haddii uu bogsado oo uu taam ka noqdo wadne xanuun si degdeg ah ugu soo booday xalay, laakiin nasiib wanaag uu ka badbaaday dhimasho uu qarka u saarnaa.Laacibkan ayaan mar dambe u ciyaari doonin Inter Milan iyo kooxaha ka dhisan Talyaaniga intaba, sababtoo ah, waxa jira sharci ka mamnuucaya inuu mar dambe kusoo laabto garoomada ciyaartoy la xaqiijiyey inuu wadnuhu shaqada joojiyey daqiiqado laakiin cimrigiisu aanu dhamaanin oo badbaaday.29 jirkan khadka dhexe ayaa…