Waqtiga Uu Kylian Mbappe Go’aanka Ugu Dambeeya Ee Mustaqbalkiisa U

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa la kulmi doona madaxweynaha kooxdiisa PSG ee Al-Khelaifi marka uu soo dhamaado tartanka qaramada Yurub ee EURO 2020, markaas  oo uu la wadaagi doono go’aankiisa kama dambaysta ah ee mustaqbalkiisa.

Kylian Mbappe oo uu qandaraaskiisa PSG ka hadhsan yahay sannad kaliya, ayay kooxda  reer France raadinaysaa inay hesho xeelad ay ku qanciso si uu usii joogo Parc des Princes oo uu heshiis cusub u saxeexo, halka kooxo kale oo waaweyn oo reer Yurub ah ay doonayaan in ay lasoo saxeexdaan, kuwaas oo ay ugu horreyso Real Madrid oo bartilmaameed ka dhigatay.

Haddii aanu ogolaanin inuu qandaraas cusub saxeexo xagaagan, PSG ayaa ku qasbanaan doonta inay iibiso inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda, sababtoo ah, haddii aanay sidaas samaynin waxa suurtogal ah in xagaaga dambe uu si bilaash ah kaga tago ciyaartoyga labaad ee ugu qaalisan dunida oo shan sannadood ka hor ay in ka badan 160 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Monaco.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Le Parisien ee kasoo baxa caasimadda Faransiiska ee Paris, Mbappe ayaa go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa PSG, waxaanu noqon doonaa mid ku sallaysan daraasad uu ku samaynayo heerka awoodda kooxdiisa iyo ifafaalaha ay ku qaadi karto koobab uu ugu horreeyo Champions League.

Wargeyska ayaa intaa ku daray, in Mbappe uu doonayo in kooxda uu u ciyaarayo ay ahaato mid ku tartamaysa koob kasta, gaar ahaan Champions League.

Waqtiga go’aankiisa kama dambaysta ah uu gaadhayo ayaa noqonaysa marka uu soo dhamaado tartanka qaramada Yurub, markaas ay kulmi doonaan Al-khelaifi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More