AFART Meelood Ee Thomas Tuchel Uu Ka Xoojinayo Chelsea Oo La Tilmaamay

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doonaya inuu afar ciyaartoy kusoo kordhiyo kooxdiisa inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan, waxaana mudnaanta koowaad u ah weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland.

Roman Abramovich ayaa go’aansaday in uu Tuchel gacanta ka geliyo boqollaal milyan oo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan kaga soo adeegto, kaddib guulihii uu tababaraha reer Germany gaadhsiiyey kooxda lixdii bilood ee uu macallinka u ahaa.

Tuchel oo Chelsea la wareegay iyadoo kaalinta sagaalaad ku jirta ayaa keenay afarta sare iyo Finalka FA Cup, halka uu ku hoggaamiyey Champions League oo uu koobka ka qaaday Manchester City.

Guulahan cajiibka ah ee lixda bilood ah kaddib, Abramovich ayaa u ballan-qaaday Tuchel inuu maalgelin ku samaynayo kooxda isagoo rumaysan in haddii ay Blues hesho ciyaartoyda ay tebayso, in ay guulo waaweyn gaadhi doonto.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in Chelsea ay wada-hadallo la furtay Erling Halanad oo qiimihiisa lagu sheegay 170 milyan oo Gini sidii aanu wararkii hore ee maanta idiinku soo gudbinay, laakiin kalidii ma aha ciyaartoyda ay kooxdu doonayso.

Tuchel ayaa rumaysan in Chelsea u baahan tahay inay lasoo saxeexato difaac dhexe oo wanaagsan oo beddel u noqday Thiago Silva oo dhamaadka xilli ciyaareedka dambe tegi doona kaddib qandaraas sannad ah oo uu toddobaadkii hore saxeexay.

Difaac midig oo la xafiiltama Reece James ayaa uu sidoo kale doonayaa, halka Cesar Azpilicueta uu ka fikirayo inuu difaaca dhexe usoo wareejiyo.

Ciyaartoy khadka dhexe ka ciyaara oo garab istaaga Jorginho, isla markaana boosaskooda kula tartama N’Golo Kante iyo Mateo Kovacic ayaa isaguna ku jira qorshaha.

Booska afraad ee Tuchel uu doonayo inuu kooxda ka xoojiyo ayaa ah garabka midig ee weerarka, waxaana u calaamadsan Amada Traore oo Wolves u ciyaara.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More