Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Midkee Ayuu La Saftay? Karim Bezema Oo Ka Hadlay Dagaalka Kylian

Karim Benzema ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee xulka Faransiiska ka tirsan ee si cad uga hadlay eedaynta ay warbaahinta isku marinayaan Kylian Mbappe iyo Olivier Giroud, waxaana hore uga gaabsaday inuu arrintan ka hadlo Paul Pogba.Olivier Giroud ayaa deggenaansho la’aan ka dhex-abuuray qolka lebbiska xulka Faransiiska kaddib markii uu warbaahinta ka sheegay in ciyaartoyda weerarku aanay siinayn kubadda xilliyada uu haysto fursad uu gool ku dhalin karayo, waxaana arrintan ka cadhooday Kylian Mbappe oo ay warbaahintu…

Lionel Messi Oo Iska Diiday In Argentina Isaga Ka Sugayso Koobab Uu U

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa rumaysan in aanu xulka qarankiisu isaga aad  iskugu hallaynayn oo aanay ku tiirsanayn si uu ugu qaado koobab, laakiin ay joogaan ciyaartooyo kale oo ay si wada-jir ah u shaqaynayaan, isagoo tilmaamay in hadda ay ku socdaan jiho wanaagsan oo ay ku qaadi karaan tartanka Copa America.Messi oo 15kii sannadood ee ugu dambeeyey ka mid ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, lix marna ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or, waxa uu kooxdiisa Barcelona u horseeday wax…

Brazil Oo Guul Ku Bilaabatay Copa America & Colombia Oo Aan Dareemin

Tartanka qaramada Latin America ee Copa America ayaa bilaabmay saqdii dhexe ee xalay kaddib muddo khilaaf iyo muran soo jiitamayay oo mar lagu dhowaaday in sannadkii labaad dib loo dhigo tartanka.Copa America oo ay ahayd in lagu qabto waddamada Colombia iyo Argentina oo si wada-jir ah loogu sii qorsheeyey ayaa laga soo wareejiyey laba toddobaad ka hor, kaddib markii uu xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee CONMEBOL uu sheegay in deggenaansho la’aan siyaasadeed iyo fayraska Korona oo si weyn ugu faafaya darteed aan…

Holland Oo Guul Dhibaato Badan Ay U Martay Ka Gaarey Ukraine Oo Si

Xulka qaranka Netherlands ayaa guul ku bilowday tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaana ciyaar ay waqti dambe goolka guusha heleen ay 3-2 kaga badiyeen Ukraine.Holland ayaa laba gool oo ay dhalisay qaybtii dambe la hormartay, waxaanay hoggaanka haysay illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 75aad, markaas oo laba gool oo degdeg ah oo afar daqiiqadood u dhexeeyeen ay Ukraine la timid, waxaase Netherlands ay guusha heshay dhamaadkii oo gool saddexaad ay la yimaaddeen.Qaybtii hore ayay Netherlands iska lumisay fursado waaweyn oo…

Frank Lampard Oo Ka Hadlay Thomas Tuchel Iyo Guushii Chelsea Ee

Frank Lampard ayaa qirtay inuu shucuur isku dhafan ka muujiyey guushii Chelsea ee Champions League, waxaanu ku dooday inuu ka ‘cago-jiiday’ inuu sheegto guushii Thomas Tuchel ee Stamford Bridge.Lampard oo shaqada laga caydhiyey bishii January iyadoo Chelsea ku jirta kaalinta sagaalaad ee horyaalka Premier League, ayaa lagu beddelay Tuchel oo markiiba saamayn degdeg ah ku yeeshay kooxda, isla markaana u qaaday Champions League, sidoo kalena keenay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League.Frank ayaa amaanay guushii weynayd…

Eden Hazard Oo Shuruud Ku Xidhay Inuu Ka Tago Real Madrid: “Kuma

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa shaaciyey shuruud uu ku xidhayo inuu ka tago kooxdiisa Real Madrid oo tan iyo 2019kii uu ka qornaa saxeex fashilmay.Hazard ayaa la filayay inuu hoggaamiye ka noqdo Real Madrid markii uu Chelsea ugaga soo wareegay lacag ka badan 100 milyan oo Euro June 2019, laakiin dhaawacyo soo noqnoqday oo isku xigay ayaa carqaladeeyey labadii sannadood ee uu joogay Los Blancos.30 jirkan oo waddankiisa Belgium kala qayb-gelaya tartanka Qaramada Yurub, beddelna kusoo galay kulankii ay Sabtidii 3-0…

RIKOODH: Jude Bellingham Oo Rikoodh Cusub Ka Dhigay Tartanka Qaramada

Jude Bellingham ayaa rikoodh cusub u dhigay xulka qaranka England iyo tartanka qaramada Yurub ee Euro, kaddib markii uu beddel kusoo galay ciyaartii ay 1-0 kaga badiyeen Croatia ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.Laacibkan ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid u ciyaara xulka qaranka England kulan ka tirsan tartanka qaramada Yurub iyo ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid tartankan safta, waxaanu rikoodhkaas sameeyey markii uu beddel kusoo galay qaybtii dambe.Bellingham oo ay d’adiisu tahay 17 sannadood ayaa…

“Qolka Lebbiska Ayaanu Isku Argnaye Muxuu iila Hadli Waayey…” Kylian

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa warbaahinta kaga hadlay khilaafkii u dhexeeyey Olivier Giroud oo hore saxaafadda ugu sheegay in ciyaaryahannada weerarka ee xulku aanay kubadda siinin, taas oo si gaar ahna farta loogu fiiqay Mbappe.22 jirkan ayaa si weyn uga cadhooday hadalka Giroud, waxaana uu qirtay inuu saamayn dhab ah ku yeeshay, layaabna ay ku ahayd sababta uu Giroud warbaahinta ugaga hadlay arrintan isagoo qolka lebbiska cabashadiisa ku dhiiban karayay.Arrintan oo dhacday kulankii saaxiibtinimo ee…

Muxuu Ahaa Shilkii Naxdinta Lahaa Ee Ka Dhacay Wembley Ee Beddelay

Garoonka Wembley waxa ka dhacday arrin murugo leh oo beddeshay dareenka ciyaartoyda xulka qaranka England ee la ciyaarayay Croatia iyo taageereyaashii kale ee garoonka ku sugnaaba, taas oo saamayn ku yeelatay dareenkii farxadeed ee garoonka dhexdiisa lagu dareemi lahaa.Garoonka ayaa waxa joogay taageereyaal tobannaan kun ah oo England taageerayay, kuwaas oo dawladdu u fasaxday kaddib markii la hubiyey inay qaateen tallaalka fayraska Korona, laakiin murugada ka dhacday garoonka ayaa ahayd isla taageereyaasha.Mid ka mid ah…

Maxay Ahayd Sababtii Liiska Xulka Qaranka England Ee Kulankii Croatia

England ayaa guul ku bilaabatay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, iyadoo 1-0 ay kaga adkaadeen Croatia, waxaana goolka madiga ah qaybtii dambe u saxeexay Raheem Sterling.Tababare Gareth Southgate ayaa kulankan qaatay go’aamo muran dhaliyey, isagoo aan liiska ciyaartoydiisa kusoo darin xiddigo la filayay inay kulanka kusoo bilowdaan.Difaaca bidix oo la filayay inuu kusoo bilowdo Luke Shaw ayaa kaydka la dhigay, waxaase layaabka ugu badan uu ka yimid markii liiska ciyaartoyda laga waayey difaaca bidix ee Chelsea ee Ben…