Rio Ferdinand Oo Xushay Shaxda Xulka Qaranka England Ee Kulanka

Rio Ferdinand ayaa soo xushay shaxda ugu fiican ee xulka qaranka England uu ku ciyaari karayo kulankooda ugu horreeya tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha ka bilaabmaya waddanka Talyaaniga, kuna soo dhamaanaya magaalada London ee waddanka Ingiriiska bil kaddib.

England ayaa tartanka ku furanaysa Croatia oo ay Axadda wada ciyaari doonaan, waxaanay doonayaan inay ka aarsadaan sababtoo ah Croatia ayuu ahaa dalkii wareegga semi-finalka ku garaacay England Koobkii Adduunka 2018.

Xulka qaranka England oo ay isku hormo yihiin Scotland, Croatia iyo Czech Republic ayaa ku jira dalalka loo saadaalinayo inay ku guuleystaan tartankan, laakiin saluug ayaa laga muujiyey qaab ciyaareedkooda kulamadii saaxiibtinimo ee Austria iyo Romania oo ay 1-0 ku badiyeen mid walba.

Gareth Southgate ayaa la filayaa inuu shax adag kusoo galo kulanka ugu horreeya laakiin waxa ka maqnaanaya Harry Maguire oo dhaawac ah.

Rio Ferdinand oo wargeyska Mirror u warramayay ayaa waxa uu Gareth Southgate kasii caawiyey shaxda ay tahay inuu ku ciyaaro kulankan, waxaanu kaydka dhigay weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford.

Shaxda Rio Ferdinand ee xulka qaranka England ee kulanka Croatia:

Jordan Pickford; Reece James, John Stones, Luke Shaw; Jack Grealish, Mason Mount Mount, Rice, Bukayo Saka; Jadon Sancho, Harry Kane, Phil Foden.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More