Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Maaha Sancho & Kane & Rashford: Peter Crouch Oo Magacaabay Labada

Xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro ayay ku jiraan xiddigo badan oo horyaalka Premier League iyo meelaha kale ee ay ka ciyaaraan ba wacdaro ka dhiga, kuwaas oo iskugu jira da’yar iyo waayo arag.England ayaa maanta la ciyaari doonta Croatia kulankooda ugu horreeya ee tartanka qaramada Yurub, waxaana qiimayntooda dhabta ahi ay ka bilaabmi doontaa bandhiggooda maanta.Tababare Gareth Southgate ayaa soo xushay 26 ciyaartoy oo koox xooggan ah, waxaana laga doonayaa in tababaruhu uu sida ugu…

Marcelo Oo Kusii Jeeda Premier League & Labada Kooxood Ee Ku

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aansatay inay iibiso xiddigeeda reer Brazil ee Marcelo, waxaana uu laacibkani usoo xidhxidhay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, Real Madrid ayaa go’aan kama dambays ah ka qaadatay Marcelo inkasta oo maalin ka hor ay warbaahinta Spain sheegtay inuu sii joogayo Madrid sannadka uga hadhay qandaraaskiisa oo lagu ixtiraamayo.33 jirkan oo qandaraaska uu kula jiro Los Blancos uu ku egyahay June 2022 oo sannad buuxa innaga xigto, waxa la…

Xiddigii Badbaadiyey Nolosha Christian Erikisen, Aamaantii Uu Dunida

Xiddiga reer Denmark ee Simon Kjaer ayaa si weyn loogu amaanayaa hoggaamintii garoonka dhexdiisa, kaalintii uu ka qaatay badbaadinta Christian Eriksen iyo sidii uu u dejiyey xaaska laacibka koomada galay.Christian Erkisen oo aanay cidina u dhoweydn ayaa dhulka ku dhacay isagoo markiiba koomo galay, waxaana dhinaciisa usoo orday Simon Kjaer oo si degdeg ah ugu dalbay gargaar caafimaad oo degdeg ah. Tallaabadii koowaad ee uu qaaday waxay ahayd inuu u toosiyey qoorta oo si xun oo kala qalloocda u taallay maadaama uu si miyir…

Tababaraha Denmark Ee Kasper Hjulmand Oo Ilmaynaya Ayaa yidhi: “Laba

Tababaraha xulka qaranka Denmark ee Kasper Hjulmand ayaa isagoo ilmaynaya oo indhihiisu qoyan yihiin warbaahinta hor yimid kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii Denmark iyo Finland ee uu ku dhex dhacay Christian Eriksen.Hjulmand ayaa dareen murugo leh soo bandhigay, waxaana uu iska illoobay in dalkiisa laga badiyey oo hal gool oo madi ah lagaga qaatay saddexda dhibcood, waxaanu dareenkiisa ku jeediyey xiddigooda Christian Eriksen ee xaaladda nolosha iyo geerida u dhaxaysa galay iyo qaabkii uu xidhiidhka kubadda cagta UEFA…

MURUGO: Christian Eriksen Maanta Ayuu Dhintay

Xiddigii reer Denmark ee xalay garoonka dhexdiisa koomada ku galay ee waqtiga badan noloshiisa lala tacaalayay ee Christian Eriksen, dib dambe garoomada uguma arki doontid, waxaana war murugo leh kasoo saaray dhakhtarka caanka ah ee Sanjay Sharma.Eriksen ayaa qaybta hore oo afar daqiiqadood ka dhinnayd kulankii Denmark iyo Finland garoonka dhexdiisa ku dhacay, waxaana muddo 15 daqiiqadood ku dhow gargaar degdeg ah u fidinayay dhakhaatiirta oo ku xidhay mishiinka neefsiga, waxaana loola cararay cusbitaal iyadoo uu koomo ku…

Belguim Uu Guul Ku Furatay Euro 2020, Ruushka Oo Ay Gurigooda Kusoo

Xulka qaranka Belgium ayaa hoggaanka u qabtay Group-ka ee B ee tartanka qaramada Yurub, kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen Ruushka oo ay marti ugu ahaayeen Saint Petersburg Stadium ee waddanka Ruushka.Romelu Lukaku ayaa laba gool kala dhaliyey bilowgii iyo dhamaadkii ciyaarta, waxaana midka saddexaad ku daray Thomas Meunier oo caawiyena ka noqday mid ka mid ah goolasha Lukaku.Group B oo ay fiidkii hore hoggaanka u qabatay Finland oo 1-0 dirqi ahaa kaga badisay Denmark oo ay gilgishay murugada Christian Eriksen oo garoonka…

Denmark Oo Murugadii Christian Eriksen Loogu Daray Guul-darro

Xulka qaranka Denmark ayay isku raaceen laba murugo kulankoodii ugu horreeyey tartanka qaramada Yurub ee Euro ee ay magaalada Copenhagen kula ciyaareen Finland.Ciyaartan ayaa la joojiyey muddo laba saacadood ku dhow, kaddib markii uu garoonka dhexdiisa ku suuxay, koomo na galay Christian Eriksen oo cusbitaalka loola caray.Denmark oo awoodda sare lahayd 40kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayaa murugo gashay markii uu Eriksen garoonka ku dhacay, waxaase ay dib ugu soo laabteen garoonka ku dhowaad laba saacadood,…

Maaha Mbappe & Griezmann! Timo Werner Oo Magacaabay Xiddiga Ay Ka

Weeraryahanka xulka qaranka Germany iyo kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta ay uga baqayaan xulka qaranka France oo ay Salaasada wada ciyaari doonaan kulankooda tartanka qaramada Yurub ee Euro.Faransiiska ayaa ka mid ah waddamada loo saadaalinayo koobka, waxaanay ka xooggan yihiin weerarka oo ay u joogaan Antoine Griezmann iyo Klian Mbappe. Sidoo kale khadka dhexe ayay ku haystaan ciyaartooyo heersare ah sida N’Golo Kante iyo Pogba.Group F oo ay ku wada jiraan Germany, France, Portugal iyo Hungry…

QIIMAYN: 50ka Ciyaartoy Ee Sannadkan 2021 Ugu Wanaagsanaa Dunida Oo La

Kontonka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa dunida sannadkan 2021 ayaa la magacaabay, waxaana kaalinta koowaad galay aan kasoo muuqanin labada ciyaartoy ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ku dhowaad 15 sannadood kasoo muuqday kaalmaha ugu sarreeya.Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa soo galay kaalinta labaad, laakiin saaxiibkii Cristiano Ronaldo ayaa kasoo muuqda 10aad.Wargeyska caanka  ah ee kasoo baxa Ingiriiska ee FouFourTwo ayaa sameeyey qiimayntii sannadkan 2021 ee badhtamaha maraya, waxaana kaalinta koowaad uu…

Waa Kuma Xiddiga Aanay Barcelona Wali La Saxeexanin Ee Dukaamada Lagu

Dukaamada rasmiga ah ee Barcelona ay ku leedahay Online-ka ayaa lagu kala  iibsanayaa xiddiga aanay kooxdaasi wali saxeexiisa ku dhawaaqin oo wararku sheegayaan in koox kale ka dul-qaadayso.Sabtidii maanta ayaa dukaamada Online-ka ah ee Barcelona waxay taageereyaashu ku arkeen dharka ay kooxdu ku ciyaarayso xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya oo uu ku jiro weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay.Laacibkan oo lala xidhiidhinayo Barcelona ayaanay wali ku dhawaaqin heshiiskiisa, waxaana xaqiiqo ah inuu soo dhamaaday…