Yaa Iska Celin Kara? Waa Kuwan Saddexda Weeraryahan Ee Uu Pep
Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo warramayaa inuu xiddigaha Harry Kane iyo Jack Grealish xilli ciyaareedka dambe doonayo inuu safkiisa weerarka kula mideeyo mucjisada kooxdiisa ee Phil Foden.
Sida uu sheegay wargeyska Sportsmail bishii hore, City ayaa diyaar u ah inay rekoodhka suuqa ee England oo dhan jabiso oo ay 100 Milyan oo pound kula soo saxeexato Grealish sidoo kale waxa ay isha la raacayaan Kane oo doonaya inuu Tottenham iskaga baxo.
Sida uu sheegayo wargeyska ESPN, Guardiola ayaa doonaya inuu weerarka Foden, Grealish iyo Kane ku midoobaan kusoo dagaal galo isla markaana uu qabo inay ka caawin karto inay Premier League qabsadaan shanta sano ee soo socda.
Warbixinta ayaa sheegaysa in City ay kalsooni ku qabto inay Aston Villa ku qancin karto inay kala saxeexato Grealish kaddib markii ay kooxdaasi lacag 40 Milyan oo pound ah oo rekoodhkeeda suuqa ah kula soo saxeexatay Emi Buendia.
Kane ayaa la fahamsan yahay inuu yahay weeraryahanka dookha koowaad ee uu Guardiola u doonayo bedelka Sergio Aguero laakiin sidoo kale macalinka ree Spain ayaan doonayn inuu seego Grealish.
City ayaa ah mid horeba qani uga ah safka weerarka iyada oo garbaha ku haysata Bernardo Silva, Raheem Sterling iyo Riyad Mahrez.
Laakiin Foden oo kusoo guuleystay abaalmarinta da’yarka sanadka ee PFA ayaa loo arkaa midka ugu muhiimsan weerarka Sky Blues, 21 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan 16 gool iyo 10 caawimo kasoo sameeyay.