Man United Oo Dalab Ka Gudbisay Daafacii Sanadka Ee Horyaalka Serie A

Kooxda ree Talyaani ee Atalanta ayaa lagu soo warramayaa inay diiday dalab 39 Milyan oo pound ah oo ay ka heshay dhigeeda Manchester United oo ka doonaysa daafaca dhexe ee Cristian Romero.

Kooxda ka ciyaarta Old Trafford ayaa doonaysa saxeexa daafac dhexe, 23 sano jirkaas ree Argentina ayaa ah mid ay xiiso u qabaan kaddib qaab ciyaareed wanaagsan oo uu xilli ciyaareedkii dhammaaday soo sameeyay.

Sida uu sheegayo wargeyska Talyaaniga ah ee Tuttosport, Atalanta ayaa diiday da;ab 39 Milyan oo pound ah oo ay ka heshay United waxaana ay iibka Romero ku doonayaan ugu yaraan 52 Milyan oo pound.

Romero ayaa hadda qaab amaah ah Atalanta ku jooga ilaa 2022 isaga oo kasoo maqan Juventus laakiin Atalanta ayaa xor u ah inay go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa maadaama oo ay heshiis 21.5 Milyan pound ah si rasmi ah ugula wareegi karto.

Xilli ciyaareedkii hore ayuu Cristian Romero 31 kulan usoo ciyaaray kooxda lagu naanayso La Dea isaga oo kasoo caawiyay inay boosak 3-aad kusoo dhammaystaan isla markaana kusoo guuleystay abaalmarinta daafaca sanadka ee horyaalkaasi.

Xilli ciyaareedkaas ayaa ahaa midkiisii ugu fiicnaa balse tan iyo markii uu dalkiisa Argentina uga wareegay dhinaca Talyaaniga ayuu ahaa mid bandhigyo sarre soo sameeyay.

Juve ayaa kala wareegtay Genoa balse boos uga weyday kooxdeeda waxaana ay go’aamiyeen inay amaah ugu diraan Atalanta oo uu hadda isku muujinayo.

Waxa laga war sugi doonaa haddii ay Man United lasoo laabato dalab kale oo ay ku doonaysa saxeexa Cristian Romero kaddib diidmada dalabkoodaas koowaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More