Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Chelsea, Man United Mise PSG? Raphael Varane Oo Doortay Kooxda Uu Ku

Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa la xusayaa inuu gaadhay go’aanka mustaqbalkiisa isla markaana uu doortay kooxda uu doonayo inuu ku biiro suuqa xagaaga.Varane oo 28 sano jir ah ayaa la fahamsan yahay inuu bar-tilmaameed u yahay tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer si lamid ah dhigiida Chelsea ee Thomas Tuchel.Daafaca ree France ayaa ah mid kamida daafacyada dhexe ee ugu wanaagsan Yurub balse Real Madrid ayay isku fahmi waayeen heshiis kordhin iyadoo qandaraaskiisu dhacayo xilli ciyaareedka…

Chelsea Oo Saxeexa Grealish Ku Garaacday City & United, Sancho Oo War

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo 36 jir ah ayaa mar kale iska diiday inuu meesha ka saaro, in uu ka tegayo Juventus ka hor inta aanu dhamaanin qandaraaskiisu sannadka dambe. Laacibkan ayaa  lala xidhiidhinayaa kooxdiisii hore ee Manchester United, balse Juve ayaa kaliya ku fasaxaysa in la iibsado. (Express)Raheem Sterling oo 36 jir ah ayaa wada-hadallo la yeelanaya Manchester City marka uu dhamaado tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaanay ka xaajoonayaan mustaqbalkiisa kooxda. (Telegraph)Garabka weerarka…

Halkee Ayaad Jeceshahay Inaad Dalxiis U Tagto Fasaxaaga? N’Golo Kante

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Faransiiska ee N’Golo Kante ayaa bixiyey jawaab layaableh mar la weydiiyey halka uu jecel yahay inuu dalxiis u tago waqtiga uu fasaxa ka yahay ciyaaraha kubadda cagta.30 jirkan oo warbaahinta aad ugu badan dhowaanahan kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyey tartanka Champions League ee uu kooxdiisa ugu qaaday koobka iyo Faransiiska oo uu hadda kala-qayb gelayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, ayaa si joogto ah looga soo tabinayaa qisooyin cajiib ah.Laacibkan oo hab-dhaqankiisa…

Christian Eriksen Oo Qoraal Xaal-warran Iyo Dardaaran Ah Soo Diray:

Christian Eriksen oo jiifa cusbitaalkii la dhigay Sabtidii markii uu wadne xanuunku kusoo booday ayaa soo diray qoraal uu ku dhiirigelayo ciyaartoyda xulka qarankiisa, kagana warramayo xaaladdiisa.Eriksen ayaa isagoo ordaya ku dhacay garoonka dhexdiisa, waxaana xaaladdiisa lala tacaalayay in ku dhow 15 daqiiqadood iyadoo lagu xidhay mishiinada neefsiga, waxaana warbixinaha hordhaca ahi ay sheegayaan inuu wadne xanuun aan lagu ogeyni kusoo booday.Kulankii uu kaga baxay koomada ee Finland ayuu waddankiisa Denmark la kulmay…

Khilaafkii U Dhexeeyey Kylian Mbappe Iyo Olivier Giroud Oo Heer Kale U

Khilaafkii u dhexeeyey labada weeraryahan ee reer France ee Kylian Mbappe iyo Olivier Giroud ayaa wali taagan, xilli dalkaasi isku diyaarinayo kulanka adag ee caawa ay la ciyaarayaan Germany ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.Tababare Didier Deschamps ayaa la kulmaya madax-xanuun iyo arrin uu xal u la’yahay oo ah khilaafka ka dhex taagan labadan ciyaartoy oo sii xumaaday markii uu Mbappe warbaahinta ka bixiyey jawaabtii laga sugayay oo uu ku weeraray Giroud.Arrintan oo ka bilaabatay markii uu Olivier Giroud telefishan u…

Miyaa La Garaaxi Doonaa Ronaldo? CR7 Oo Ixtiraam-darro U Muujiyey

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ixtiraam darro u muujiyey shirkadda Coca-Cola ee sharaabka, xilli uu ka hadlayay shir jaraa’id oo ku saabsanaa kulanka Euro 2020 ee ay maanta wada ciyaari doonaan Hungry.Ronaldo oo lagu yaqaano inuu si aad ah u ilaaliyo caafimaadkiisa, ayaa hore u sheegay in uu dhibsado marka wiilkiisu uu cabbayo sharaabyada soodhaha leh, laakiin xalay ayuu ficil ahaan u muujiyey inuu neceb yahay sharaabkan isagoo iska hor qaaday laba dhalo oo Coca-Cola ah oo miiska saarnaa, kuwaas oo UEFA ay…

RIKOODH: Spain Oo Rikoodh Cusub U Dhigtay Dunida & Taariikhdii Ay Ka

Xulka qaranka Spain ayaa rikoodh cusub u dhigay dunida intii ay socotay ciayartii xalay ay barbarraha goolal la’aanta ah wada galeen Sweden, waxaanay La Roja sameeyeen kubbad hayntii ugu badnayd iyo baaskii ugu badnaa ee taariikhda tartamada caalamiga ah.Labadan waddadan oo ku wada jira Group C, ayay Sweden nasiib ku lahaayeen in ay hal dhibic ka heleen ciyaar si walba looga gacan sarreeyey oo ay ku urursanaayeen xayndaabkooda difaaca.Inkasta oo barbarro goolal la’aan ah ciyaartu kusoo dhamaatay, Spain niyad-jab ayay u ahayd…

DAAWO: Goolkii Cajiibka Ahaa Ee Lionel Messi Dhaliyey Xalay &

Lionel Messi ayaa gool cajiib ah ku bilaabay tartanka qaramada Latin America ee Copa America, waxaanu laad xor ah oo heersare ah ka dhaliyey kulankii dalkiisu barbarraha 1-1 ah la galay Chile.Argentina ayaa barbarro ku aftaxday Copa America, waxaana gool uu qaybtii hore u dhaliyey Lionel Messi ka daba yimid Eduardo Vargas oo madax ku dhaliyey kubbad rikoodhe ahayd oo uu khasaariyey Arthuro Vidal.Daqiiqaddii 33aad ee ciyaarta ayaa Argentina loo dhigay qalad, waxaana kubadda soo qaatay Lionel Messi oo kubadda ku toogtay goolka…

Xaqiiqooyin Muhiim Oo Ku Saabsan Kulanka Ugu Adag Euro Ee France vs

Kulanka ugu adag tartanka qaramada Yurub ee illaa hadda ayaa waxa uu caawa dhex-marayaa labada waddan ee Faransiiska iyo Jarmalka, waana ciyaar aad loo sugayo oo la qiimaynayo awoodaha labada waddan.Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ayaa xaqiijiyey, in labada weeraryahan ee Kairm Benzema iyo Antoine Giezmann oo dhaawacyo qabay, shakina la gelinayay kulankna ay taam u noqdeen in ay ciyaaraan caawa.Benzema iyo Greizmann ayay dhaawacyo kasoo gaadheen ciyaartii saaxiibtinimo ee Salaasadii ee Bulgaria, waxaana midka laga…

Waddankii Ugu Liitay Oo Hoggaanka U Qabtay Group E, Spain & Sweden Oo

Waddamada Spain iyo Sweden ayaa barbarro goolal la’aan ah ku bilowday tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kulan adkaa oo ay fursado badan iska lumiyeen xulka martida loo ahaa ee Spain.Labadan waddan ee ku wada jira Group E oo la saadaalinayo inay kasoo gudbaan ayaa isku mari waayey ciyaar ay difaaca adkaysteen Sweden, laakiin saluug badan laga muujiyey taatikada tababare Luis Enrique oo ay ka maqnayd sirtii guushu.Qaybtii hore ee ciyaarta ayay fursado badan heleen Spain oo gacanta ku hayay maamulka ciyaarta 90 boqolkiiba…