Real Madrid Oo U Guureysa Garoonka Atletico Madrid Ee Wanda

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka guureysa garoonkeeda Alfredo Di Stafano ee ay muddada sannadka ah ku ciyaaraysay, waxaanay hoy ka dhiganaysaa Wanda Metropolitano oo ay wadaagi doonaan Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa waxa wali socda dhismaha garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu oo dib uga dhacay waqtigii la filayay in la dhamaystiro, waxaanay muddada ka hadhsay dhismihiisa ay marti usii ahaanaysaa Atletico Madrid oo ay isku magaalo ka dhisan yihiin.

Santiago Bernabeu oo dhisme ka socdo

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa la filayaa in loo fasaxo taageereyaasha xilli ciyaareedka dambe, isla markaana ay yimaaddaan jamaahiir tiradoodu u dhaxayso 20,000 illaa 30,000 qof, taas ayaana ku kallifaysa inay ka guurto hoygeeda sida ku-meelgaadhka ah ay ugu sii ciyaaraysay ee Alfredo di Stefano ee da’yarteeda garoonka u ah.

Si ay u martigelin karto tirada taageereyaasha ah ee loo ogolaanayo inay garoomada kusoo laabtaan, isla markaana uga helaan dakhli ka maqnaa sannad iyo dheeraad, Real Madrid ayaa go’aansatay inay isku dhiibto kooxda ay cadaawadda weyni ka dhaxayso ee ay isku magaalada yihiin ee Atletico, waxaany lasii wadaagaysaa illaa inta uu la dhamaystirayo dhismaha Santiago Bernaberu.

Waa sidee xidhiidhka labada kooxood ee Real Madrid iyo Atletico Madrid?

Xidhiidhka labada kooxood ayaa u muuqday inuu wanaagsanaanayo kaddib markii ay Atletico Madrid ku dhawaaqday sannadkii hore, in garoonkeeda Wanda Metropolitano ay u ogolaanayso Real Madrid in ay hoy ka dhigato inta la dhamaystirayo dhismaha Santiago Bernabeu.

Tani waxay ka dhigan tahay, in ciyaaraha Real Madrid garoonkeeda loogu imanayo, in ay isticmaasho Wanda Metropolitano.

Sidee ayay u arkaan taageereyaashu?

Jamaahiirta Real Madrid ayaa ogolaaday, kuna taageeray kooxdooda inay u guurto Wanda Metropolitano inta la dhamaystirayo Santiago Bernabeu, laakiin kuwa Atletico Madrid ayaanay warbaahinta Spain soo bandhigin dareenka ay ka qabaan arrintan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More