SAADAAL Loo Dhan Yahay!! – Ferdinand, Shearer & Lineker Oo Hal Dal U

Halyeeyada kubadda cagta England haatana doorka khabiirnimo ku shaqeeya ee kala ah Gary Lineker, Rio Ferdinand iyo Alan Shearer ayaa si isku mid ah hal xul ugu saadaaliyay ku guuleysiga koobka Euro ee berri bilaabmaya.

England, Portugal, France, Germany iyo Belgium ayaa dhammaantood kamid ah xulalka ugu cad cad ku guuleysiga koobkaas balse haddana saddexda halyeey ayaa si isku mid ah hal dal iskugu af-gartay.

Xulkaas ay Shearer, Ferdinand iyo Lineker isku raaceen ayaa ah France oo koobkii aduunka ee 2018 kusoo guuleystay, xulka French-ka ayaa isku dayaya inay guushoodii koobkaas ku darsadaan mid qaarada Yurub ah.

Xulka uu horkacayo tababare Didier Deschamps ayaa kusoo guuleystay koobkii aduunka ee ka dhacay dalka Ruushka saddex sano kahor, inta badan xiddigihii wakhtigaas France metelayay oo hadda xulka diyaar ku ah ayaa xataa kasii wacnaaday sidii hore.

Marka laga yimaado inay haystaan xiddigo badan oo caalami ah, France ayuu sidoo kale kusoo laabtay weeraryahan Karim Benzema kaddib shan sano oo uu ka maqnaa.

Ugu horreynba Shearer oo BBC la hadlayay ayaa yidhi “France inay ku guuleysato (Ayaan rajaynayaa), hibo ayay ku haystaan garoonka oo dhan”

Aragtida Shearer oo uu sii xoojiyay Rio Ferdinand ayuu isaguna yidhi “France ayaa haysta xulka ugu qoto-dheer (Safka ciyaartoyda ahaan) iyo hibada ugu badan, taasi waa sababta ay u yihiin kuwa ugu cad-cad aniga dhankayga”

Lineker ayaa isaguna yidhi “Way adagtahay in la eego meel dhaafsan France, waxay ku guuldaraysteen Final-ka shan sano kahor, waxay ku guuleysteen koobka aduunka haatan sidoo kale Karim Benzema ayay haystaan, way horumari doonaan waxayna haystaan xiddigo da’yar oo hibo cajiib ah leh, waa inay noqdaan kuwa ugu cad-cad”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More