Wax Ka Baro Sharciyada Euro 2020 – Imisa Kaadh Oo Huruud/Jaale Ah Ayaa

Jimcaha berri ayuu bilaabmayaa tartanka qaramada Yurub ee Euro ee sannadkii hore baaqday, waxaana lagu furayaa ciyaar adag oo u dhaxayn doonta Talyaaniga iyo Turkey oo ku kulmaya magaalada Rome.

Hal ciyaar oo kaliya ayaa dhacaysa Jimcaha, waxaase Sabtida la raacinayaa kulanka kale ee ka hadhay Group A ee Wales vs Switzerland oo ay isku hormo yihiin labada waddan ee sare iyo Group B oo ay ku wada jiraan Denmark vs Finland & Belgium vs Russia.

Kulamada hore ee Group-yada ayaa waxay soconayaan muddo 12 maalmood ah oo ka bilaabmaysa Jimcaha June 11 illaa Arbacada June 23, waxaana markaas kaddib la geli doonaa maalmo fasax ah ka hor inta aan la bilaabin wareegga xiga ee isreeb-reebka tooska ah oo Sabtida June 26 la bilaabi doono.

24ka waddan ee tartankan ka qayb-gelaya, waxa si toos ah wareegga xiga ugu gudbaya labada waddan ee group kasta kasta ku jira, waxaana lagu soo dari doonaa afarta waddan ee ugu wanaagsanaa ee kaalmaha saddexaad galay, taas oo ka dhigi doonta taas oo tirada guud ka dhigi doonta 16 waddan oo loo samayn doono qori tuur.

Haddaba, muxuu sharcigu ka leeyahay tirada kaadhadhka huruudda/jaalaha ah ee ciyaartoyda la siiyo ee horseedaya ganaaxa?

Sida uu dhigayo sharciga UEFA, qodobka 52, ciyaartoyga qaata laba kaadh oo digniin ah laba ciyaarood oo kala duwan, waxa uu ganaax ku seegi doonaa  hal ciyaar ah.Waxa kale oo uu ciyaartoygu ganaax ku seegi doonaa hal kulan, haddii uu qaato afar kaadh oo digniin ah inta uu socdo tartanku. Ciyaartoy kasta oo inta tartanku socdo ay u buuxsamaan tiro afar kaadh ah (xataa haddii ay kala fog yihiin oo aanu ganaaxa qodobka sare ku dhicin, waxa uu halkan ku mutaysanayaa ganaax hal kulan ah).Kaadh cas oo toos ah oo la siiyo ciyaartoyga, waxa uu ku maqnaan doonaa hal ciyaar ah.Goorma ayay masaxmayaan kaadhadhka digniinta ah?

Kaadhadhka ay ciyaartoydu qaataan wareegyada hore, waxay ku hadhayaan wareegga siddeeda, laakiin waxa iyaduna muhiim ah, in semi-finalka aanay xisaabta ku jiri doonin kaadhadhkii hore (Haddii aanay ciyaartoyga u buuxsamin afar kaadh, sida ku cad qodobka 2 ee sare).

Dhamaan kaadhadhka digniinta ah ee ciyaartoyda iyo tababareyaasha la siiyo inta uu tartankani socdo, waxay baabi’i doonaan/tirtirmi doonaan marka uu soo dhamaado tartanku.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More