Cadho Mise Kibir? Ma Rumaysan Kartid Wixii Uu Doonayay Mbappe Inuu

Da’yarka xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa ahaa mid aad uga cadhaysan weeraryahanka xulkiisa ee Olivier Giroud kaddib hadal kasoo yeedhay dhaliyahaas intii uu socday kulankii ay guusha 3-0 ka ah ka gaadheen xulka Bulgaria.

Les Bleus ayaa ka adkaaday Bulgaria oo marti ugu ahayd Stade de France iyadoo Giroud uu bedelka kasoo kacay laba goolna dhaliyay xilli uu kaliya shan gool u jiro rekoodhka abid ee goolasha xulkaas oo uu Theirry Henry haysto.

Giroud ayaa u yimid tababare Didier Deschamps intii kulankaasi socday isaga oo u sheegay in xulku uu sidaas si ka fiican xidhiidh ugu samayn karayay garoonka dhexdiisa isaga oo u muuqday mid ka cadhaysan Mbappe.

Sida uu sheegayo wargeyska L’Equipe, Mbappe ayaa ka cadhooday hadalka Giroud ee ahaa inaysan xiddigaha qaar baas u dhigayn isaga, wargeyska ayaa sheegaya in Mbappe uu doonayay inuu saxaafada kahor hadlo oo uu u jawaabo Giroud kulanka kaddib.

Giroud ayaa ciyaarta kaddib yidhi “Mararka qaar waad ordaysaa kubadduna kuma soo gaadhayso, waxaan rajaynayaa inaanu sidaas si ka fiican isku heli lahayn”

Tababare Didier Deschamps oo arrinta soo dhex galay isaga oo u muuqday mid labada xiddigba eedaynaya isla markaana kala qaboojinaya isku dhacooda.

Deschamps ayaa yidhi “Haddii aad kubadda hesho markasta oo aad dalbato, markasta waa sidaas”

“Weeraryahanku waxa uu yidhaahdaa ‘Waan ordayaa laakiin khadka dhexe ayaa haysta’ khadka dhexe wuxuu odhan doonaa inay dhibtu tahay weeraryahanka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More