Waa Kuma Xiddiga Wacdaraha Ku Dhigay Man City Ee Heshiis Kordhin Uu

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa lagu soo warramayaa inuu hakad geliyay heshiis kordhin uu u sameeyo kooxda Barcelona isaga oo ka warsugaya haddii ay xoojinayaan xiisaha ay u muujinayaan.

Gundogan ayaa kusoo raaxaystay xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa waayihiisa ciyaareed isaga oo murashax u ahaa ku guuleysiga xiddiga sanadka ee Premier League ee PFA isaga oo Premier League iyo Carabao Cup lasoo qaaday Sky Blues.

Man City ayaa doonaysa inay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxeexato Gundogan balse Barcelona ayaa xiiso hordhac ah u muujisay, haatan Gundo qudhiisa ayaa doonaya inuu ka warsugo waxa xiga ee dhici doona sida uu sheegayo wargeyska The Sun.

Gundogan oo 30 sano jir ah ayay kaliya laba sano oo kale uga hadheen heshiiska uu ku joogo Etihad Stadium waana sababta ay heshiis kordhin inay u samayso u doonayso kooxdiisu.

Haatan xiddiga ree Germany ayaa shantii sano ee ugu dambeeyay kusoo qaatay City isaga oo ahaa saxeexii ugu horreeyay ee uu tababare Pep Guardiola sameeyo markii uu kooxda la wareegay.

In badan oo kamid ah wakhtiga uu Ilkay ku qaatay England ayuu dhaawac soo saameeyay balse xilli ciyaareedkii dhawaa ayaa ahaa mid uu si buuxda kulamo xidhiidh ah uga qayb qaatay isaga oo isa soo muujiyay.

Fashilka iyo guuldarrada dhawaan Barcelona ku gaadhay saxeexii Georginio Wijnaldum ayaa ah mid ku qasbaya inay xiddigo kale oo khad dhexe ah raadiyaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More