MEEL KU QORO: Waqtiga La Shaacinayo Isku-aadka Horyaalka Premier

Xumaddii horyaalka waddanka Ingiriiska ee xilli ciyaareedka dambe ayaa durba la dareemayaa toddobaadyo kaddib markii lasoo afjaray xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21, waxaanay taageereyaashu sugayaan isku-aadka iyo taariikhaha muhiimka ah ee  sannadka dambe.

Horyaalka oo xilli ciyaareedkii dhamaaday ay hantiday Manchester City kaddib 15 ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay guuleysatay laga soo bilaabo bishii December, taas oo keentay inay jidka  kusii jiidho Liverpool oo iyaduna waqtigaas bilowday inay hoos usoo gurato, hoggaankeedana lumiso.

Iyadoo uu socdo tartanka Euro oo kulamadiisa ugu horreeya ay waddamadu ku kala-calaf qaadeen, laakiin aanay wali soo bixin waddamada ku hadhaya wareegga koowaad ayaa waxa soo bixi doona isku-aadka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka dambe.

Xilli-ciyaareedkan ayaa waxa si weyn isha loogu hayaa Chelsea oo wacdaro dhigtay tan iyo markii uu yimid Thomas Tuchel, Manchester United oo labaad ku dhamaysatay saxeexyo ay isku xoojinaysana samaynaysa iyo Liverpool oo dib u helaysa ciyaartoydii dhaawacoodu sababay inay kaalinta saddexaad si dirqi ah ugu soo dagaallanto.

Saddexda kooxood ee Norwich City, Watford iyo Brentford ayaa kusoo biiraya horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe, iyagoo beddelaya saddexda kooxood ee tartanka ka baxay, heerka labaadna u degay ee Sheffield United, West Bromwich Albion iyo Fulham.

Kooxaha horyaalka Premier League ku dagaallami doona xilli-ciyaareedka 2021-22:

Arsenal

Aston Villa

Brentford

Brighton & Hove Albion

Burnley

Chelsea

Crystal Palace

Everton

Leeds United

Leicester City

Liverpool

Manchester City

Manchester United

Newcastle United

Norwich City

Southampton

Tottenham Hotspur

Watford

West Ham United

Wolverhampton Wanderers

Goorma ayuu soo baxayaa isku-aadka xilli ciyaareedka 2021/22?

Isku-aadka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedka 2021/22 ayaa lasoo saari doonaa maalinta Arbacada ee June 16,2021, waxaanay taageereyaashu sugi doonaan kaliya lix maalmood in ay ogaadaan sida uu noqonayo jadwalka kooxahooda ee xilli ciyaareedka.

Maamulka Premier League ayaa shaacin doona jadwalka marka ay saacaddu tahay 11am waqtiga Geeska Afrika, waxaanad kala socon doontaa xogta oo dhamaystiran halkan oo aanu idiinku soo gudbin doono kulamada ugu muhiimsan iyo ciyaaraha xaasaasiga ahaa ee xilli ciyaareedka dambe.

Goorma ayuu horyaalku bilaabmi doonaa?

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa bilaabmi doona maalinta Sabtida ee August 14, 2021, taas oo qiyaas ahaantii ku beegan bil kaddib marka uu soo dhamaado tartanka qaramada Yurub ee Euro.

Gooarma ayuu dhamaan doonaa xilli-ciyaareedak 2021/22?

Horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa waxa uu dhamaan doonaa maalin Axad ah oo ay taariikhdu tahay May 22, 2022.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More