RASMI: Ganaaxii SANNADKA Ahaa Ee Goolhayaha Xulka Cameroon & Ajax Ee

Goolhayaha xulka qaranka Cameroon iyo Ajax ee Andre Onana ayaa lasoo gaabiyey kaddib rafcaan uu u gudbisay maxkamadda garsoorka khilaafkaadka ciyaaraha ee CAS.

25 jirkan ayaa bishii February lagu xukumay inuu 12 bilood ka maqnaado guud ahaan ciyaaraha iyadoo lagu eedeeyey in uu isticmaalay daawooyin mamnuuc ah oo ciyaartoyda ka caawiya inay yeeshaan awood dheeraad ah, balse Onana ayaa ku dooday in kiniin ay saaxiibaddii isticmaalaysay uu ku qaldamay isagoo moodayay xanuun baabi’iye xilli uu gurigiisa ku sugnaa.

Ganaaxaas oo ay soo saartay maxkamadda UEFA, ayaa waxa uu ka dhashay baadhitaan ay UEFA samaysay 30kii October ee sannadkii hore.

Si kastaba, maxkamadda CAS ayaa ganaaxa kusoo koobtay sagaal bilood, taas oo ka dhigan in saddex bilood meesha laga saaray.

“Xukaamta CAS waxay ogaadeen in aanu jirin qalad weyn oo loo aanayn karo Andre Onana, waxaanu ku qaldamay oo uu qaatay daawooyin uu qof kale  lahaa.” Ayay maxkamaddu tidhi.

Kaddib go’aanka maxkamadda Andre Onana ayaa garoomada kusoo laaban doona oo xor u ah inuu ciyaaro laga bilaabo November 4.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More