Hawlgal samatabbixin oo qalalaase watay ayaa shalay ka dhacay Wabiga Mississippi ee New Orleans, kaddib markii booyad ay ku dhacday doon dalxiis oo raaxo ah oo ku xirnayd dekedda, taasoo sababtay in markabkii dalxiisku dhinac u rogmo oo uu quuso, iyadoo rakaabku u kala carareen badbaado, tobannaan qofna ay ku dhaceen biyaha.
Shaqaalaha dekedda, dab-damiska iyo dad goob-joogayaal ahaa ayaa si xawli ah uga shaqeeyey in dadka xeebta la keeno, waxaana ugu dambayntii la xaqiijiyey halka ay ku sugan yihiin dhammaan dadkii saarnaa markabka ay dhibaatadu ku dhacday, ayay duqa New Orleans Helena Moreno ka sheegtay shir jaraa’id.
Marwo Moreno oo samatabbixinta ku tilmaantay “ mucjiso ka dhacday Mississippi,” ayaa sheegtay in 32 rakaab ah oo saarnaa doonta dalxiiska ee American Cruise Lines, American Heritage, loo qaaday isbitaal. Wax dhaawacyo “halis ah oo nooc kasta ah” ma soo gaarin, ayay tiri.
Sida ay sheegtay duqdu, waxaa American Heritage saarnaa ku dhawaad 180 ilaa 190 rakaab iyo shaqaale ah markii shilku dhacay.
Doonyar jiidaysa ayaa xasilinaysa doonta dalxiiska kaddib markii ay rogmatay, taasoo ka dambaysay isku dhaca booyadda
Shilku wuxuu dhacay duhurkii kaddib markii booyadda Atlantic Asphalt ay “xakamaynta lumisay oo ay ku dhacday” markabka dalxiiska, kaasoo xilligaas ku xirnaa dekedda, ayay tiri Marwo Moreno.
Rakaabku waxay bilaabeen inay daadgureeyaan markii American Heritage ay biyo qaadday. Markabka ayaa dabadeed “rogmaday oo gaddoomay”, taasoo dadka ku tuurtay wabiga, ayay sheegtay duqdu.
Taliyaha Booliska Dekedda Melanie Montroll ayaa sheegtay in ku dhawaad 87 rakaab ah ay ka baxeen American Heritage ka hor inta uusan rogman, sida uu qoray bogga wararka wadajirka ah ee New Orleans Advocate iyo Times-Picayune.
Marwo Moreno waxay sheegtay in jawaabta degdegga ah ee kooxaha gurmadka degdegga ah ee deegaanka, gobolka iyo federaalka, oo ay weheliyaan dad saarnaa doonyaha u dhow, ay gacan ka geysatay in laga hortago wax dhimasho ah.
Ilaalada Xeebaha Maraykanka ayaa bayaan ay iimayl ku soo direen ku sheegay in isu-socodka maraakiibta webiga la hakiyey meel u dhow goobta shilku ka dhacay.
Kabtan Melanie Burnham oo ka tirsan Ilaalada Xeebaha ayaa u sheegtay New Orleans Advocate in booyaddu u muuqatay inay cilad ka qabtay hagisteeda, inkastoo baarayaashu aysan weli go’aamin waxa sababay shilka.
American Cruise Lines ayaa bayaan ay iimayl ku soo direen ku sheegay inay la shaqaynayaan Ilaalada Xeebaha iyo maamulka deegaanka.
“Rakaabka iyo shaqaalihii waa la daadgureeyey, waxaana aad uga walaacsannahay dhammaan dadka ay arrintani saamaysay,” ayay shirkaddu sheegtay.