Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 25°C
Breaking: Ted Cruz meets North Western State of Somalia president, renews call for U.S. recognition
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Xiddigii Man United Ee La Ilaaway Inuu Xataa Kooxda Ka Tirsan Yahay Oo

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
DHIRBAAXO: Man United Oo Xiddig Ka Dhaawacmay Kahor Bilawga Xilli

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, tababaraha kooxda West Ham United ee David Moyes ayaa doonaya inuu dib ula midoobo daafaca Man United ee Phil Jones.

Moyes ayaa xilli ciyaareedkii 2013-14 lasoo shaqeeyay Jones kahor inta aan laga caydhin shaqada Old Trafford kaddib markii uu ku fashilmay inuu booskii Sir Alex Ferguson buuxiyo.

Sida uu sheegayo wargeyska Eurosport, Moyes ayaa xiisaynaya inuu markale la shaqeeyo Jones waxaana uu ku riixayaa West Ham inay qaab bilaash ah kula soo saxeexdaan daafacaas dhexe ee la ilaaway.

United ayaa la xusayaa inay ka fikirayso inay qaab bilaash ah ku dirto Jones oo heshiiskiisu dhacayo 2023 si ay u yareeyaan safka kooxda iyo mushaharka ay bixiyaanba kaddib saxeexyada Jadon Sancho iyo Raphael Varane.

Hammers ayaa sugaya oo eegaya haddiiba uu Jones diyaar u yahay loolanka isla markaana haddii ay ku qancaan qandaraas wanaagsan siin doona.

Rekoodhka dhaawacyaa ee Jones ayaa ah mid wer-wer ku ah West Ham, 29 sano jirkaas ayaan haatan mudo 18 bilood ah kasoo muuqan Red Devils isaga oo qaba dhaawac jilibka ah oo uu sanadihii ugu dambeeyay kusoo dhibtoonayay.

How do you rate this story?

0 votes