Xiddiga Weyn Oo Barcelona Ka Tirsan Oo La Xaqiijiyey Inuu Bilaash Ku

Barcelona ayaa luminaysa mid ka mid ah xiddigihii ugu qaalisanaa taariikhdeeda kaas oo si bilaash ah kaga tegi doona kaddib markii uu go’aansaday in aanu kordhin qandaraaskiisa oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa isbeddel badan ku samaynaya kooxdiisa, waxaanu ka shaqaynayaa in uu dib u dhis ku sameeyo iyagoo si xor ah ula soo wareegay ciyaartooyo waaweyn sida Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Memphis Depay oo shaacinta qandaraaskiisa oo kali ahi hadhsan tahay.

Laakiin dhinaca kale waxay luminayaan ciyaartooyo waaweyn, sida Philippe Coutinho oo la sheegay in aanay kooxda  waba u oollin, ahna ciyaartoyga ugu qaalisan taariikhda Barcelona, balse kalidii ma aha e waxa jira ciyaartooyo kale oo baxaya.

Weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele ayaa la sheegay in uu si xor ah uga tegi doono Barcelona xagaaga dambe, isla markaana uu iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa xilli qandaraaskiisa ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya.

24 jirkan oo waqtigan ka tirsan xulka qaranka France ee ka qayb-gelaya Euro 2020, ayay uga dhamaatay Barcelona, waxaanu go’aankiisu yahay in la iibiyo xagaagan amaba uu si xor ah u tegi doono marka uu dhamaado qandaraaskiisu sannad kaddib.

Sida uu ku warramay TV3, Ousmane Dembele oo heshiiskiisa Barcelona ku egyahay 2022 waxa hadda muuqata in aanay jirin koox bixinaysa lacagta badan ee Barca ku xidhayso iibkiisa, sidaas darteedna uu sii joogi doono sannad kale kaddibna uu si xor ah ku bixi doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More