Xiddig Muhiim Ah Oo Laga Ganaaxay Xulka Brazil Kulanka Argentina Ee

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa cadho badan ka muujiyey ganaax lagu riday ciyaartoy muhiim u ah xulka qarankiisa oo seegi doona finalka Copa America ee ay Axadda wada ciyaari doonaan Argentina.

Weeraryahanka Manchester City ee Gabriel Jesus oo kaadh cas oo toos ah qaatay kulankii Chile kaddib markii uu isagoo boodsan uu laagay Eugenio Meno, waxaanu ka maqnaa ciyaartii Peru ee semi-finalka Copa America.

Brazil ayaa rajaynaysay in Jesus uu usoo laaban doono finalka, hase yeeshee xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee CONMEBOL ayaa shaaciyey in laacibkan la ganaaxay ciyaar kale oo dheeraad ah oo aan ahayn intii uu casaanka ku maqnaan lahaa, taas oo ka dhigan in uu seego finalka.

Gabriel Jesus ayaa raalligelin ka bixiyey falka uu sameeyey bilowga qaybta labaad ee kulankii Chile, hase yeeshee taasi kama baajin in lagu rido ganaax.

Tababare Tite iyo xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa isku dayay inay rafcaan qaataan, balse CONMEBOL ayaa u sheegay in aan loo ogolayn in ay rafcaan ka qaataan ganaaxan.

Kabtanka xulka qaranka Brazil ee Neymar ayaa ka hadlay go’aanka ganaaxa, waxaanu sheegay in uu yahay mid niyad-jableh oo ay adag tahay in la aqbalo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Instagram ayuu ku yidhi: “Waa wax aad looga murugoodo in aynu ku jirno gacanta dadka samaynaya go’aamada noocan oo kale ah. Laba kulan oo ganaax ah iyo rafcaan la’aan? Hambalyo CONMEBOL. Waxay ila tahay in aydaan si fiican u arag wixii dhacay.”

Kulankii Peru, waxa uu tababare Tite ciyaarsiiyey Everton oo beddelay Jesus, waxaanu muujiyey ciyaar wanaagsan oo uu ku kasban karo in uu ku soo bilowdo ciyaarta finalka ee ka dhacaysa garoonka caanka ah ee Maracana Stadium ee magaalada Rio de Janeiro.

Brazil ayaa ku guuleysatay tartanka Copa America sannadkii 2018 iyadoo uu dhaawac kaga maqnaa Neymar, laakiin Messi oo hoggaaminaya Argentina ayaa u dagaallamaya koobkiisii ugu horreeyey ee uu u qaado xulka qaranka dalkiisa Argentina.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More