WAR LA SUGAYAY: Wakiil Raiola Oo Si Cad Uga Hadlay Haddii Uu Isagu

Wakiilka weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ee Mino Raiola ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu shuruudo iyo dalabaad cajiib ah ku xidhay iibka weeraryahankaas isla markaana uu hordhigay shuruudahaas kooxaha saxeexiisa doonaya.

Wararka xanta ah ee Haaland la xidhiidhinaya kooxaha ugu waaweyn Yurub ayaa ahaa kuwo heer-kale gaadhay toddobaadkii hore kaddib markii ay aabaha Haaland ee Alfie iyo Raiola wadahadalo la yeesheen kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Kaddib kulamadaas uu la qaatay madaxda Real iyo Barca, warbaahinta dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday inuu wakiilka ree Talyaani liis qoddobo ah oo looga baahan yahay fulintooda kooxaha doonaya 20 sano jirkaas shaaca ka qaaday.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Raiola uu ka dalbaday kooxaha doonaya saxeexa Haaland 17 Milyan oo pound sidoo kalena aabaha Haaland uu isaguna 17 Milyan oo pound doonayo halka uu ciyaaryahanku mushahar sanadkii 25 Milyan oo pound ka badan doonayo.

Si kastaba, wakiil Mino Raiola ayaa barta Twitter-ka kaga hadlay wararkaas xalay oo Axad ahayd isaga oo wararkaas oo uu muuqaal kusoo koobay kusoo dul-qoray “Wararka beenta ahi waxay u safraan si deg-deg ah oo fog”

Raiola iyo Alfie ayaa la filayaa inay England u safri doonaan si ay wadahadalada usii wadaan maadaama sidoo kale saxeexa 20 sano jirka ree Norway ay doonayaan labada Manchester, Chelsea iyo Liverpool.

Walow aanay wali caddayn arrimaha heshiiska uu Haaland ku baxaya iyo dhaqaalahooda haddana qoddob ku jira qandaraaskiisa Borussia Dortmund ayaa ah mid caddaynaya in kooxdiisu ay doonayso inay fasaxdo suuqa xagaaga sanadkan.

Dortmund ayaa heshiiska Erling ku dartay qoddob ogolaanaya in 66 Milyan oo pound lagu iibsan karo xagaaga sanadka dambe ee 2022 balse sanadkan ayay rabaan ka faa;idaysiga fursad ay lacag intaas ka badan ugu iibin karaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More