Waa Maxay Sababta Gianluigi Donnarumma Looga Mamnuucay Inuu Xidho

Gianluigi Donnarumma ayaa u xidhan doona No.50 kooxdiisa cusub ee Paris Sainti-Germain oo uu si bilaash ah ugaga soo wareegay AC Milan, kaddib markii uu heshiiskiisu dhamaaday bishii June.

Goolhayaha xulka Talyaaniga ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo uu kaga mid ahaanayo kooxda reer France, iyadoo ay kooxda ku midoobeen saxeexyo kale oo cusub oo sidiisa oo kale kusoo biiray xagaagan. Gini Wijnaldum iyo Sergio Ramos ayaa iyaguna qaab bilaash ah ku yimid PSG, halka ay lacag badan kasoo bixisay Achraf Hakimi.

22 jirkan ayaa markii uu tegay PSG waxa uu awoodi waayey in uu dalbado lambarka uu jecel yahay xidhashadiisa ee No.99, kaas oo uu usoo xidhnaa AC Milan tan iyo markii uu 16 jirka ahaa, iyadoo uu sidoo kalena uu isla lambarkan sidan jiray tan iyo yaraantiisii.

Si kastaba, sharciga horyaalka Faransiiska ee League One ayaa ka mamnuucaya goolhayeyaasha inay xidhaan lambarrada noocan oo kale, iyadoo horena loogu diiday Mario Balotelli inuu Marseille iyo Nice u xidho lambarka uu jeclaa ee No.45.

Keylor Navas, Sergio Rico iyo Alexandre Letellier ayaa haysta lambarrada 1, 16 iyo 30, sidaas darteed Gianluigi Donnarumma ayaan qaadan karin lambarradan.

Donnarumma ayaa ugu dambayntii waxay kooxdiisa cusub u xidhay No.50, laakiin waxa uu ka fikiri karaa inuu isbeddelo marka uu kooxda ka tago Keylor Navas oo kaliya la  hubo inuu xilli ciyaareedkan sii joogayo Parc des Princes.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More