Waa Kuma Xiddiga Uu Ka Baqanayo Toni Kroos Ee Chelsea Ugu Soo

Chelsea ayaa rajaynaysa in ay u gudubto finlka Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2012 laakiin wax aka horreysa Actual Madrid oo ay tahay in ay meel iska saarto, haddii kalena kooxda reer Spain ayaa garoonka Ataturk Olympic Stadium ee magaalada Istanbul kula ballami doonta Manchester Metropolis.

Labada kooxood oo kulankoodii toddobaadkii hore kusoo dhamaystay barbarro 1-1, waxay Chelsea kusoo gudbi kartaa barbarro goolal la’aan ah iyo in ay badiso intaba, laakiin haddii laga badiyo, amaba ay ku kala baxaan barbarro ka badan 1-1, Actual Madrid ayaa u gudbi doonta ciyaarta ugu dambaysa.

Blues ayaa gool muhiim ah kusoo dhalisay Stadio Alfredo Di Stefano lugtii hore, halka Actual Madrid uu guul-darro ka badbaadiyey Karim Benzema.

Thomas Tuchel ayaanay baqasho badan ka haysanin khadka dambe ee difaaca oo uu ku haysto dayr ay adag tahay in la jabiyo, halka Actual Madrid ay iyaduba ku xooggan tahay booskaas oo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkan ay bandhig fiican samaynayeen Nacho, Militao iyo Mendy.

Maadaama goolasha laga dhaliyey ay aad u yar yihiin intii uu Tuchel joogay, tababaraha reer Germany ayaa waxa uu ka fikiri doonaa sidii uu dhibaato ugu geysan lahaa Actual Madrid waqti horeba isagoo adeegsanaya ciyaartoyda ay ka midka yihiin Mason Mount, Kai Havertz, Hakim Ziyech iyo Christian Pulisic.

Difaaca Actual Madrid ayaa Arbacadii hore ku dhibaatooday sidii ay u joojin lahaayeen Pulisic, laakiin isbeddel uu sameeyo Tuchel ayaa sidoo kale ku abuuri kara dhibaato kale, iyadoo uu fursaddiisa doonayo Kai Havertz oo laba gool kasoo dhaliyey ciyaartii Fulham ee Sabtidii.

Wargeyska London-Soccer ayaa warbixin uu ka qoray kulankan, waxa uu sheegay in Kai Haverz uu cabsi iyo argagax ku ridi doono Actual Madrid, gaar ahaan Toni Kroos oo ka baqaya laacibkan.

Wargeysku waxa uu sheegay in haddii uu Havertz kusoo bilowdo ciyaarta, isla markaaba la maqli doono Toni Kroos oo qaylinaya oo ciyaartoyda kooxdiisa uga digaya khatarta uu laacibkani ku abuuri karo.

Kroos ayaa sannadkii hore waxa uu ka sheekeeyey hibada ciyaareed eek u jirta laacibkan, isagoo sheegay in koritaankiisa ciyaareed uu yahay mid cajiib ah.

Waraysi uu siiyey wargeyska Sports activities Bild ayuu Kroos waqtigaas ku yidhi: “Haddii uu sii wado in uu sidan u ciyaaro, approach adkaan doontaa in la joojiyo. Laakiin ma jirto wax damaanad ah waxaana mar walba jira isbaarooyin ka hor yimaadda waayahaaga.

“Kai hadda wuxuu qaaday tallaabada xigta iyo xaalad cusub. Waa in uu marka hore la qabsado (kooxdiisa).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More