Waa Kuma Xiddiga Chelsea Maanta Muhiimka U Ah Ee Uu Lukaku Sabab U

Saxeexa cusub ee kooxda Chelsea ee Romelu Lukaku ayaa shaaca ka qaaday inuu qayb ka ahaa go’aankii uu Kai Havertz suuqii xagaaga ee 2020 ugu soo wareegay kooxdaas isla markaana uu talo siiyay xilligaas.

Lukaku oo heshiis 115 Milyan oo euro ah ugu soo laabtay Chelsea ayaa diyaar u ah inuu Axada kulankiisii ugu horreeyay kahor tago Arsenal tobban sano tan iyo markii uu kooxda ugu horreyntii kusoo biiray.

Lukaku ayaa kaga hortagay Havertz ciyaar Europa League ah gaar ahaan siddeed dhammaadka sanadkii hore ee 2020 waxaana uu siiyay talada ah inuu u wareego Blues.

Lukaku oo ka hadlayay waraysigii ugu horreeyay ee uu Chelsea siiyo tan iyo soo laabashadiisii ayaa amaanay Havertz oo uu muujiyay sida uu ula dhacsan yahay.

“Waxaan la hadlay Kai Havertz markii aanu iskaga hor nimid Europa League, waxaanan u sheegay inuu Chelsea tago, ma garanayo haddii uu xasuusto wadahadaladaas”

Lukaku iyo Havertz ayaa labaduba goolal dhaliyay kulankaas iyadoo 28 sano jirka ree Belgium uu dhigay rekoodhka ah inuu 9 ciyaarood oo xidhiidh ah Europa League goolal kasoo dhaliyay xilli ay Inter 2-1 uga adkaatay Bayer Leverkusen.

Chelsea ayaa bishii ku xigtay heshiis 80 Milyan oo euro ah kula wareegtay Kai oo aan qaab fiican ku bilaaban nolosha London kaddib 4 gool iyo 3 caawimo oo uu horyaalka kasoo sameeyay 2020-21.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More