UEFA Oo Ku Dhawaaqay Magacyada AFAR Xiddig Oo Ciyaaryahankii
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay afarta xiddig ee ku tartami doona ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League toddobaadkan oo ahaa midkiisii ugu horreeyay.
Afarta ciyaaryahan ee ay UEFA soo xusheen ayaa kala ah weeraryahanka Juventus ee Alvaro Morata, daafaca bidix ee RB Leipzig ee Angelino, garabka weerar ee Bayern Munich ee Kingsley Coman iyo waliba dhigiisa Shakhtar Donestk ee Tete.
Aan ku bilawnee Morata ayaa u sahlay kooxdiisa Juventus inay guul ku furato xilli ciyaareedkan Champions League isagoo soo dhaliyay labadii gool ee ay kaga soo adkaadeen Dynamo Kyiv oo ay marti u ahaayeen.
Sidoo kale Angelino ayaa sameeyay kala duwanaanshaha kulankii ay Leipzig 2-0 kaga adkaatay kooxda ree Turkey ee Istanbul Basaksehir isaga oo labada goolba kasoo dhaliyay kooxdaas.
Tete ayaa ahaa xiddigii inta ugu badan dhibaatada ku abuuray Real Madrid xalayto kaddib markii uu goolna ka dhaliyay midna ku caawiyay Los Blancos isagoo saddex dhibcood oo dahabi ah Shakhtar uga qaaday caasimada Spain.
Bayern Munich oo markale soo muujisay sababta ay u tahay kooxda koobka difaacanaysa ayaa 4-0 kusoo suul-daartay Atletico Madrid, Coman ayaa afarta gool ee Bavaria laba kamid ah dhaliyay midna caawiye kasoo ahaa.