TOP 10: Tobanka Kubbad-sameeye Ee Ugu Wanaagsan Dunida, Xogta Cajiibka

Tobanka kubbad-sameeyey ee ugu wanaagsan adduunyada ayaa lasoo saaray, qaarkoodna waxa xaqiiqo ah in cid walba isku waafaqsan tahay oo aanu shaki geli karaynin, laakiin kuwo kale ayaa iyagana ay suurtogal tahay inaad dood ka keento.

Xiddigaha khadka dhexe ee caawiya weeraryahannada, waxa lagu qiimeeyey bandhiggii ay ka sameeyeen garoomada xilli ciyaareedkii hore, taas oo la xidhiidha goolashii ay dhaliyeen, caawintii ay sameeyeen, baasaska ay bixiyeen iyo kulamada ay safteen.

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo 33 kulan oo horyaalka LaLiga ah oo uu saftay dhaliyey 30 gool, sagaal kalena caawiye ka noqday, ayaa ku jira kaalinta koowaad, waxaana kusoo xiga Kevin de Bruyne oo Manchester City ah, kaas oo 23 ciyaarood oo Premier League ah ku dhaliyey lix gool, isla markaana raacsaday 12 gool oo uu caawiye ka noqday.

Aaron Ramsey oo Juventus ah ayaa kaalinta ugu dambaysa ee tobnaad fadhiya, waxaana 13 ciyaarood oo uu dheelay uu dhaliyey laba gool iyo afar caawimood oo uu ku darsaday.

Halkan kaga bogo xogta tobanka kubbad-sameeye ee ugu fiican dunida:

10) Aaron Ramsey

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

13 kulamadii uu saftay2 goolasha uu dhaliyey4 caawinta uu sameeyey87.1% baas bixintiisa1.4 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

9) Marco Reus

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

27 kulamadii uu saftay8 goolasha uu dhaliyey6 caawinta uu sameeyey81.7% baas bixintiisa1.5 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

8) Papu Gomez

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

20 kulamadii uu saftay (9 Atalanta/11 Sevilla)7 goolasha uu dhaliyey (4 Atalanta/3 Sevilla)3 caawinta uu sameeyey (2 Atalanta/1 Sevilla)84.8%/88.9% baas bixintiisa1.9/0.9 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

7) Mason Mount

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

32 kulamadii uu saftay6 goolasha uu dhaliyey5 caawinta uu sameeyey86.5% baas bixintiisa2.4 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

6) Thomas Muller

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

31 kulamadii uu saftay11 goolasha uu dhaliyey18 caawinta uu sameeyey75% baas bixintiisa2.9 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

5) Kai Havertz

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

18 kulamadii uu saftay4 goolasha uu dhaliyey3 caawinta uu sameeyey84.9% baas bixintiisa0.7 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

4) Marcos Llorente

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

33 kulamadii uu saftay12 goolasha uu dhaliyey11 caawinta uu sameeyey84.6% baas bixintiisa1.2 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

3) Bruno Fernandes

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

35 kulamadii uu saftay18 goolasha uu dhaliyey12 caawinta uu sameeyey78.3% baas bixintiisa2.6 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

2) Kevin De Bruyne

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

23 kulamadii uu saftay6 goolasha uu dhaliyey12 caawinta uu sameeyey81.7% baas bixintiisa3.2 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

1) Lionel Messi

Xogta xilli-ciyaareedkii 2020/21 ee horyaallada:

33 kulamadii uu saftay30 goolasha uu dhaliyey9 caawinta uu sameeyey85.1% baas bixintiisa2.2 baasaska halista ah ee uu kulan kasta dhiibo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More