Talyaaniga Oo Ku Tuntay Turkey, Taariikh Madow Oo La Diiwaan-geliyey
Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guul ku furtay kulankii ugu horreeyey tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaanay 3-0 ku garaaceen Turkey oo ay ku martigeliyeen garoonka Olimpico ee magaalada Rome.
Talyaaniga ayaa soo bandhigay awood iyo kubbad qaan-gaadh ah oo ay ku qarqiyeen Turkey, waxaanay hanteen guul ay u qalmayeen, iyagoo qaybtii horeba dhawr jeer garaacay garaacay goolka.
Kulankan oo qaybtii hore kusoo dhamaaday goolal la’aan ayaa markii lagu soo noqday waxa gool iska dhaliyey difaaca reer Turkey ee Merih Demiral oo goolkiisa ku leexiyey kubbad uu isku dayayey inuu badbaadiyo iyadoo aanay cidina cidhiidhyin.
Ciro Immobile ayaa goolka labaad dhaliyey, isagoo kubbad uu Leonardo Spinazzola ku toogtay goolka oo uu soo tufay Ugurcan Cakir uu helay Immobile oo uu si fudud shabaqa u dhex-dhigay ka hor intii aanu Lorenzo Insigne raacinin goolka saddexaad.
Shaxdii labada waddan
ITALY (4-3-3): Gianluigi Donnarumma; Alessandro Florenzi, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini (c), Leonardo Spinazzola; Nicolo Barella, Jorginho, Manuel Locatelli; Domenico Berardi, Ciro Immobile, Lorenzo Insigne.
Kaydka: Salvatore Sirigu, Bryan Cristante, Matteo Pessina, Federico Bernardeschi, Federico Chiesa, Giovanni Di Lorenzo, Alessandro Bastoni, Emerson, Giacomo Raspadori, Francesco Acerbi, Alex Meret, Andrea Belotti.
TURKEY (4-1-4-1): Ugurcan Cakir; Mehmet Zeki Celik, Merih Demiral, Caglar Soyuncu, Umut Meras; Okay Yokuslu; Kenan Karaman, Ozan Tufan, Yusuf Yazici, Hakan Calhanoglu; Burak Yilmaz (c).
Kaydka: Halil Dervisoglu, Irfan Can Kahveci, Enes Unal, Ozan Kabak, Altay Bayindir, Cengiz Under, Fehmi Mert Gunok, Orkun Kokcu, Mert Muldur, Dorukhan Tokoz, Kaan Ayhan, Taylan Antalyali.
Tababare Roberto Mancini oo tan iyo intii uu noqday tababaraha Talyaaniga sannadkii 2018 ay muujinayeen ciyaar heer-sarraysa, ayaa kulanka ku bilowday kalsooni badan iyadoo khadka dhexe ay markiiba gacanta ku dhigeen.
Nicolo Barella, Jorginho iyo Manuel Locatelli ayaa maamulka ciyaarta gacanta ku qabtay, waxaanay khadka dhexe ka daadihinayeen kubbad qurux badan iyagoo u diiday Turkey inay wax fursado ah ka samayn karaan halkaas, taas oo keentay in Yazinic, Calhanoglu iyo Yilmaz ay u guuraan dhinacyada si ay fursado u samayn karaan.
Daqiiqaddii 22aad ayay Talyaanigu dalbadeen rikoodhe markii Immobile lagu riday xerada ganaaxa iyadoo Soyuncu uu gacanta kaga qabtay caloosha, laakiin garsooraha ayaa u sheegay inay ciyaartu socoto.
Cakir ayaa badbaadiyey kubbad halis ahayd oo uu Chiellini ku qabtay madax isagoo 12 yard oo kaliya u jira goolka, waxaana uu goolhayaha reer Turkey sare ugu booday hal gacan oo dirqi ku dallacday kubadda oo gool noqon lahayd.
Talyaaniga ayaa daqiiqaddii 45aad ku dooday in loo dhigo rikoodhe kaddib markii uu Spinazzola kubbad kala soo galay dhinaca bidix, balse kubadduu uu soo jabiyey ay gacanta kaga dhacday Celik, waxaana laga soo hubiyey VAR oo aan Talyaaniga siinin abaal-marin.
GOOOOAAAAALLLLL: Talyaaniga ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta daqiiqaddii 53aad, waxaana kubbad uu dhinaca midig kasoo jabiyey Berardi isku qabtay Demiral oo iska dhaliyey.
TAARIIKH: Goolkan ayaa noqday midkii ugu horreeyey taariikhda EURO ee ciyaarta ugu horreysa uu ciyaartoy iska dhaliyo. Ma dhicin muddo 60 sannadood ka badan oo tartankan la ciyaarayay inuu waddan iska dhaliyo goolka furitaanka ee tartanka.
warka oo dhan la soco inyar kaddib…