Shaxda Rasmiga Ah Ee Brighton vs Man United – Solskjaer Oo

Afar maalmood ka dib markii ay Brighton iyo Manchester United ku kulmeen Premier League, waxay caawa isku arkayaan wareega 16ka ee koobka Carabao Cup.

Kulankii Premier League ee dhexmaray labada kooxood wuxuu ahaa mid taariikhi ah iyadoo Man United ay dirqi ku badisay, miyaa la filan karaa kulan kale oo sidaas u xiiso badan caawa?

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa toban bedel ku sameeyay shaxdiisa xilli uu wajahayo kulan adag oo ay la ciyaarayaan kooxdii halista gelisay afar maalmood ka hor ee Brighton.

Goolka waxaa lagu soo bilaabay Henderson halka isbedelo lagu sameeyay daafaca iyadoo Lindelof  kaliya uu ka haray shaxdii kulankii Premier League ee ugu danbeeyay isagoo ka garab ciyaaraya iyo Bailly ay halka Dalots iyo Williams lagu soo bilaabay daafacyada garbaha.

Khadka dhexe waxaa lagu soo bilaabay Van de Beek oo ciyaaraya kulankii labaad ee Caraboa Cup iyadoo weerarka uu hogaaminayo Ighalo.

Tababare Solskjaer oo isbedelada badan ee uu ku sameeyay shaxdiisa waxaa ugu wacan kulanka adag ee Premier League ee ay Axada la ciyaarayaan Tottenha,

Dhanka kale kooxda Brighton ayaa iyagana sagaal bedel ku sameeyay shaxdii ay kala hortageen Man United kulankii Premier League.

SHAXDA RASMIGA AH:

Brighton: Steele, White, Dunk, Mac Allister, Gross, Jahanbakhsh, Bernardo, Burn, Veltman, Gyokeres, Molumby

Keyd: Sanchez, Maupay, Trossard, Sanders, Cochrane, Roberts, Jenks.

Manchester United: Henderson, Dalot, Bailly, Lindelof, Williams, McTominay, Fred, Mata, Van de Beek, James, Ighalo

Keyd: Grant, Fosu-Mensah, Mengi, Lingard, Pogba, Greenwood, Rashford

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More