Shaxaha Rasmiga Ah Ee Italy vs Spain – Morata Oo Kaydka Ku Jira,

Talyaaniga iyo Spain ayaa wada ciyaarayaa semi-finalka tartanka Euro 2020, waxaanay labaduba ku sugan yihiin garoonka Wembley ee caasimadda Ingiriiska ee London, halkaas oo ay ka dhacayaan kulamada ka hadhay tartanku.

Labada waddan ee awoodda badan ee Talyaaniga iyo Spain ayaa midkooda soo baxa waxa uu finalka la ciyaari doonaa England iyo Denmark oo habeen dambe ciyaaraya midkooda soo gudba.

Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga ee Roberto Mancini ayaa waxa uu kulankan kusoo bilaabay labada difaac ee ruug-caddaayada ah ee Bonucci iyo Chiellini, kuwaas oo ay wehelinayaan Emerson Palmieri oo beddelay Spinazzola oo dhaawacmay iyo Di Lorenzo. Khadka dhexe ayay wada taagan yihiin saddexda rukun ee Nicola Barella, Jorginho iyo Marco Veratti, halka weerarkana ay ku midaysan yihiin Ciro Immobile, Chiesa iyo Insigne.

Xulka qaranka Spain ayaa uu tababare Luis Enrique uu ku sameeyey isbedello afka hore ee weerarka iyo difaaca ah, waxaanu kaydka dhigay Alvaro Moratta oo uu ka doorbiday Oyarzabal oo kusoo garab bilowday Ferran Torres iyo Dani Olmo.

Khadka dhexe ayay wada taagan yihiin Pedri, Busquets iyo Koke, halka difaacana uu Luis Enrique doortay Laporte, Eric Garcia, Jordi Alba iyo Cesar Azpilicueta.

Shaxaha rasmiga ah ee labada xul

Italy XI: Donnarumma, Di Lorenzo, Bonucci, Chiellini, Emerson, Barella, Jorginho, Verratti, Chiesa, Immobile, Insigne.

Kaydka: Sirigu, Locatelli, Belotti, Berardi, Pessina, Acerbi, Cristante, Bernardeschi, Bastoni, Florenzi, Toloi, Meret.

Spain XI: Simon, Azpilicueta, Garcia, Laporte, Alba, Koke, Busquets, Gonzalez, F Torres, Oyarzabal, Olmo.

Kaydka: De Gea, D Llorente, P Torres, M Llorente, Morata, Gerard, Thiago, Sanchez, Gaya, Rodri, Fabian, Traore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More