Sergio Ramos Oo Dhaawac Soo Gaartey Maalmo Ka Hor Ciyaarta

Zinedine Zidane ayaa walaac weyni soo food saaray kaddib markii ay iskugu darsameen dhaawac soo gaadhay difaaca iyo kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos iyo waliba guul-darro lama filaan ahayd oo kaga timid kooxda kasoo dallacday heerka labaad ee Cadiz.

Ramos ayaa ciyaarta sii wadan kari waayey oo ka baxay waqtigii nashada kaddib markii ay qaybtii hore jilibka kasoo gaadhay jug, waxaana lagu beddelay Eder Militao oo kasoo laabtay dhaawac.

Beddelka lagu sameeyey Sergio Ramos ayaa lagu sheegay inuu ahaa taxadar si aanay xaaladdiisu usii xumaanin, laakiin Zidane ayaa ka walaacsan in laf-dhabarta kooxdiisa uu waayi doono kulamada adag ee kusoo aaddan usbuucan iyo midka dambe.

Arbacada toddobaadkan ayay Real Madrid la ciyaari doontaa Shakhtar Donetsk kulanka ugu horreeya ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana ugu xigaysa ciyaarta adag ee El Clasico oo garoonka Camp Nou ay Sabtida dambe ku wada ciyaari doonaan Barcelona.

Labadan kulan ayaa Sergio Ramos waqtigu ku yar yahay inuu kasoo gaadhi karo xataa haddii aanu dhaawaciisu ahayn mid halis ah.

Kabtan Sergio Ramos ayaa dhaawaciisa baadhitaano dheeraad ah lagu samayn doonaa Axadda maanta, waxaanay Los Blancos kasoo saari doontaa warbixin ay ku sharraxayso inta uu le’eg yahay dhaawaca laacibkoodan, taas oo kala caddayn doonta haddii uu kulanka El Clasico kasoo gaadhi doono iyo in kale.

Sergio Ramos ayaa noqday ciyaartoygii 14aad ee Real Madrid ka tirsan ee dhaawac soo gaadho intii uu dhamaaday xili ciyaareedkii hore ee ay koobka ku guuleysteen, waxaanu ka mid noqday xiddigaha sariir-yaalka ah ee ay ka mid yihiin Eden Hazard, Mariano, Dani Carvajal, Alvaro Odiozola iyo Martin Odegaard oo toddobaadkii hore dhaawacmay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More