SAADAAL: Kooxda Ku Guuleysanaysa Horyaalka Premier League, Chelsea Oo

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa bilaabmi doona August 14 oo ay ka hadhsan tahay laba usbuuc iyo maalmo, taas oo ka dhigan, in horyaalkii xilli ciyaareedku uu sanka innagu soo hayo oo maalmo kaddib daawashadiisa la isku diyaarin doono.

Kaddib markii ay soo dhamaadeen Copa America iyo Euro 2020, waxay waqtigan daawadeyaashu sugayaan kaliya in ay arkaan kooxahooda oo ciyaaraya, kuwaas oo ay ka rajaynayaan in ay bandhig fiican la yimaaddaan, isla markaana guulo u halgamaan.

Horyaalka Premier League oo ah kan ugu xamaasadda badan, ayaa waxa ku hirdami doona kooxaha waaweyn ee Manchester City oo koobka difaacanaysa, Liverpool oo sannadkii kasii horreeyey ku guuleysatay Chelsea oo ahayd horyaalka sannadkii 2017kii, Manchester United oo ay ugu dambaysay 2013kii iyo kooxo kale, balse ay afartani ugu cadcad yihiin.

Liverpool oo ay dib ugu soo laabteen ciyaaryahannadii dhaawaca kaga maqnaaday xilli ciyaareedkii hore ee sababta u noqday in iyagoo hoggaanka haya ay mar kaliya hoos usoo dhacaan, sida Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo kuwo kale ayaa dhamaantood diyaar ah oo usoo laabtay intii ciyaaruhu fasaxa ku jireen, waxaanay kusoo darsatay Ibrahima Konate.

Sidaas oo ay tahay haddana Liverpool kuma guuleysan doonto horyaalka, xataa kaalinta labaadna ma iman doonto, sababtuna waxay tahay in Manchester City oo awooddeeda aanay waxba ka nusqaamin ay mar kale ku guuleysan doonto horyaalka sida ay muujisay saadaal la sameeyey.

Chelsea ayaa cidhiidhsan doonta  kaalinta labaad, halka Liverpool ay saddexaad noqon doonto iyo Manchester United oo afraad soo geli doonta.

Saddexda kooxood ee Norwich City, Watford iyo Southmpton ayaa  kaalmaha ugu hoosaysa ku dhamaysan doona.

Halkan kaga bogo qiimaynta xilli-ciyaareedka 2021/22:

=18. Norwich City – 1,500/1

=18. Watford – 1,500/1

=18. Southampton – 1,500/1

=15. Burnley – 1,000/1

=15. Crystal Palace – 1,000/1

=15. Brentford – 1,000/1

14. Newcastle United – 750/1

13. Wolverhampton Wanderers – 325/1

12. Aston Villa – 200/1

11. Leeds United – 150/1

=8. Everton – 100/1

=8. West Ham United – 100/1

=8. Brighton & Hove Albion – 100/1

7. Arsenal – 40/1

=5. Tottenham Hotspur – 33/1

=5. Leicester City – 33/1

4. Manchester United – 17/2

3. Liverpool – 5/1

2. Chelsea – 9/2

1. Manchester City – 4/6

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More