U bood qoraalka
Monday, November 23, 2026 12 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Maghrib 17:46
Muqdisho 27°C
Degdeg Wasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey, iyadoo lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.
Warar Deg-deg ah
Wasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey, iyadoo lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.Hoggaamiyaha Waqooyi Kuuriya oo adkeeyay madaxbannaanida xiriirrada kadib maqnaanshihii TrumpXildhibaan Faizo Jeyte oo CID-da ku eedeysay inay shacabka ka qaaddo lacago aan sharciyeysnaynBaarlamaanka Puntland oo diiday wax-ka-beddelka dastuurka ee la xiriira doorashada 2029-kaXildhibaannada Soomaaliya iyo AUSSOM oo ku heshiiyay in dib loo furo garoonka diyaaradaha Beledweyne kaddib iska hor imaadyo dhimasho dhaliyaySoomaaliya waxay xilka wasiirka Gaashaandhigga ka qaaday Xasan Sheekh Cali Axmed Macallin FiqiKooxaha samatabbixintu waxay sii wadaan baadigoobka kaddib markii ay rogmatay doon siday dad u socday aas ka dhacay NigeriaWasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey, iyadoo lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.Hoggaamiyaha Waqooyi Kuuriya oo adkeeyay madaxbannaanida xiriirrada kadib maqnaanshihii TrumpXildhibaan Faizo Jeyte oo CID-da ku eedeysay inay shacabka ka qaaddo lacago aan sharciyeysnaynBaarlamaanka Puntland oo diiday wax-ka-beddelka dastuurka ee la xiriira doorashada 2029-kaXildhibaannada Soomaaliya iyo AUSSOM oo ku heshiiyay in dib loo furo garoonka diyaaradaha Beledweyne kaddib iska hor imaadyo dhimasho dhaliyaySoomaaliya waxay xilka wasiirka Gaashaandhigga ka qaaday Xasan Sheekh Cali Axmed Macallin FiqiKooxaha samatabbixintu waxay sii wadaan baadigoobka kaddib markii ay rogmatay doon siday dad u socday aas ka dhacay Nigeria
Axadle
Qolka Wararka Axadle Sports Af-Soomaali

Ronald Koeman Oo Shaaciyey Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka

La soco

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Champions League ee Arbacada ay martida ugu noqonayaan Juventus, waxaana ka maqan Gerard Pique oo ganaax ah iyo Courtinho oo dhaawac ah.

Barcelona ayaa u safartay magaalada Turin oo ay Arbacada isku haleeli doonaan Juventus garoonka Allianz Stadium oo aanay waligood guul kasoo gaadhin kooxda reer Spain. Laga soo bilaabo xili ciyaareedkii 1970/71kii oo ay ku wada ciyaareen Koobkii loo yaqaanay Fairs Cup illaa ciyaartoodii ugu dambaysay ee Champions League ee xili ciyaareedkii 2017/18, Barcelona waxay kala soo kulantay magaalada Turin ee ay Juventus ugu tagtay saddex guul-darro iyo saddex barbarro ah.

Gerard Pique ayaan ciyaartan qayb ka noqonayn oo kaadh cas la siiyey ciyaartii Ferencvaros ay kooxdiisu ku garaacday usbuucii hore, waxaana liiska maqaneyaasha ku wehelinaya Philippe Coutinho oo ciyaartii Clasico ee Real Madrid ee Sabtidii uu dhaawac kasoo gaadhay.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda Barcelona aan ku jirin oo ka maqan goolhaye Marc-Andre ten Stegen iyo Samuel Umtiti oo dhaawac ah.

Dhaawacyadan iyo ganaaxa Pique waxay uga dhigan tahay Koeman inuu haysto laba difaac dhexe oo kaliya, kuwaas oo ah Clement Lenglet iyo Ronald Araujo. Mattheus Fernandes ayaa sidoo kale uu tababaraha reer Netherlands ka reebay liiska kooxdiisa ee kulankan.

Goolhaye Neto oo hore ugu ciyaari jiray Juventus ayaa fursad u heli doona inuu tuso kooxdiisa  hore tayadiisa ciyaareed iyo inay iska lumiyeen hanti qaali ah, iyadoo uu ka faa’iidaysan doono maqnaanshaha Ter Stegen.

Liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Juventus:

Dest, Araujo, Sergio Busquets, Alena, Griezmann, Pjanic, Braithwaite, Messi, Dembele, Riqui Puig, Neto, Lenglet, Pedri, Trincao, Jordi Alba, Sergi Roberto, De Jong, Ansu Fati, Junior Firpo, Inaki Pena, Arnau Tenas.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes