RIKOODH: Richarlison Oo Rikoodh Looga Diiwaangeliyey Horyaalka Premier

Xulka qaranka Brazil ayaa guul weyn kasoo hooyey ciyaartoodii ugu horreysay tartanka ciyaaraha olombikada adduunka ee ka socda magaalada Tokyo ee waddanka Japan, waxaanay 4-2 ku karbaasheen dhiggooda Jarmalka.

Saddexlay degdeg ahayd oo soddonkii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta uu dhaliyey weeraryahanka Richarlison ayaa ku filnaaday waddanka Brazil, iyadoo waliba uu dhamaadka qaybtii horena rikoodhe lumiyey Matheus Cunha, hase yeeshee Japan ayaa lab gool la yimid qaybta dambe ka hor intii aanu Paulinho gool afraad u saxeexin Brazil.

Weeraryahanka Everton ee Richarlison ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ka ciyaara horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee saddexlay ka dhaliya ciyaaraha olombikada adduunka.

24 jirkan ayaanay jirin laacib kale oo Premier League ka tirsnaa oo abid saddexlay ka dhaliyey sidiisa oo kale ciyaaraha olombikada.

Sidee ayuu ku sameeyey taariikhdan?

Soddonkii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayaa Richarlison loogu diiwaangeliyey rikoodhkan. Daqiiqaddii toddobaad ee bilowga ciyaarta ayuu jabiyey difaaca reer Germany oo uu ka dhaliyey goolka hore, mid kalena waxa uu ku daray daqiiqaddii 22aad, ka hor intii aanu goolkiisa saddexaad saxeexin daqiiqaddii 30aad.

Rikoodhka Richarlison ee kulamada caalamiga ah

September 2018 ayaa markii ugu horreysay looga yeedhay xulka qarankiisa, waxaana uu illaa hadda u dhaliyey 10 gool 30 ciyaarood oo uu u saftay.

Waxa uu ka mid ahaa xiddigihii sida joogtada ah uga ciyaarayey tartanka qaramada Latin America ee finalkii ay Argentina kaga guuleysatay Copa America, laakiin hadda ayuu u dagaallamayaa inuu qarankiisa la qaado koobkiisii ugu horreeyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More