Skip to content
Tuesday, October 20, 2026 8 Jumada al-Ula 1448 AH Maghrib 17:45
Muqdisho 27°C
Breaking: Somali Future Council Rejects 2027 Election Timetable, Warns of Further Political Action
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

RASMI: Pep Guardiola Oo Shaaciyey Xiddigaha Man City Ee Finalka

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Laacib

Manchester City ayaa shaacisay magacyada 24 ciyaartoy oo xalay fiidkii ka duulay waddanka Ingiriiska, kana degay magaalada Porto ee waddanka Portugal, halkaas oo Sabtida ay finalka Champions League kula ciyaari doonaan Chelsea.

Tababare Pep Guardiola ayaa soo wada qaatay ciyaartoydiisa oo safarka la galay, waxaana uu rajaynayaa in uu rumayn karo riyada kooxdiisa ee ah in ay ku guuleystaan koobkoodii ugu horreeyey ee Champions League ah.

Garoonka Estadio do Dragao ayaa marti-gelin doona kulankan, waxaana Man City usoo laabtay Ilkay Gundogan oo waqti hore ka baxay ciyaartii Brighton ee guul-darrada 3-2 ahayd ay kasoo gaadhay.

Laacibka reer Germany ayaa kaydka ku jiray ciyaartii ay Man City 5-0 ku xasuuqday Everton, waxaana sidoo kale ka mid noqday liiska Sergio Aguero oo kulankiisii ugu dambeeyey xidhan doona shaadhhka Manchester City.

Guardiola ayay u badan tahay in uu kaydka dhigi doono Aguero oo uu ku ciyaari doono shaxdiisii ay afka hore wada hoggaaminayeen Riyad Mahrez, Phil Foden iyo De Bruyne, laakiin waxa suurtogal in uu isbeddel sameeyo.

Khadka dhexe ayay ugu diyaarsan yihiin Ilkay Gundogan, Rodi iyo Bernardo Silva, halka Fernandinho uu noqon karo tiir dhexe oo isaguna joojiya ciyaartoyda Chelsea.

Liiska ciyaartoyda Manchester City oo dhamaystiran

Goalkeepers: Ederson, Zack Steffen, Scott Carson, James Trafford

Defenders: Benjamin Mendy, Aymeric Laporte, Joao Cancelo, Kyle Walker, Ruben Dias, Eric Garcia, John Stones, Nathan Ake, Aleks Zinchenko

Midfielders: Ilkay Gundogan, Rodri, Kevin De Bruyne, Bernardo Silva, Fernandinho

Forwards: Riyad Mahrez, Phil Foden, Ferran Torres, Gabriel Jesus, Sergio Aguero, Raheem Sterling.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes