RASMI: Manchester United Oo Go’aan Ka Gaarey Laba Ka Mid Ah

Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyey, in difaaca da’da yar ee Axel Tuanzebe aanu ku jirin qorshihiisa xilli ciyaareedka oo uu ku bixi doono amaah kaddib markii ay Manchester United lasoo saxeexatay Raphael Varane.

Manchester United ayaa bil ka hor la sheegay in Tuanzebe uu isku diyaarinayo xilli ciyaareed amaah ah ka hor intii aanu Ole Gunnar Solskjaer xaqiijin go’aankiisa xilli uu tababarka kusoo laabanayo laacibka dhaawacyadu dishoodeen ee Phil Jones oo isagana mustaqbalkiisu laalan yahay.

Jones oo 29 jir ah ayaa dhaawac jilibka ah kaga maqnaa Manchester United tan iyo January 2020, waxaase uu rajaynayaa in uu buuxsado ugu yaraan toban sannadood oo uu xidhnaa garanka Manchester United waase haddii uu dhamaysto qandaraaskiisa hadda oo soconaya illaa 2023.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo isaguna xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey garoomada ee 2004-05 dhaawac u jiitay intiisa badan ayaa waxa uu niyad-samaan ka muujinayaa Jones, waxaase uu bannaanka dhigay Tuanzebe oo uu xaqiijiyey in ay amaah ku bixin doonaan.

“Waan arki karayaa, Raphael ayaa u muuqda in wax walba oo halkaas ah la xalliyey, waxa aan arki karayaa Axel oo sii baxaya maadaama aanu helnay Varane” Ayuu yidhi Solskjaer oo intaa raaciyey: “Varane, Maguire, Lindelof, Eric Bailly iyo Phil Jones waxay tababarka bilaabayaan usbuuc dhamaadka marka aanu qof walba helno Isniinta.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More