RASMI: Manchester City Oo Iibisay Mid Ka Mid Ah Xiddigaheeda, Kooxda

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa si rasmi ah u iibisay mid ka mid ah xiddigaheeda, xilli ay qorshaynayaan inay xagaagan suuqa dhigaan dersin ciyaartooyo waaweyn ah si ay u hesho lacago ay kula soo wareegto ciyaartoyda uu dalbanayo Pep Guardiola Jack Grealish iyo Harry Kane.

Man City ayaa liiska ciyaartoydeeda ay iibinayso xagaagan waxay ku dartay Raheem Sterling, Riyad Mahrez, Aymeric Laporte, Gabriel Jesus iyo kuwo kale, waxaana shalay si rasmi ah uga baxay Etihad Stadium laacibkii ugu horreeyey oo ay kooxdu iibisay xagaagan.

Xiddiga da’da yar ee Lukas Nmecha oo ka mid ahaa ciyaartoyda da’yarta ee Man City, kuna guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ayaa shalay ka degay waddanka Jarmalka, isagoo ku biiray Wolfsburg.

Lukas Nmecha oo xilli ciyaareedkii hore amaah ugu maqnaa kooxda reer Belgium ee Anderlecht ayaa dhaliiyey 21 gool 41 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay, waxaanay taasi keentay in Wolfsburg oo ku qanacday ciyaartiisu ay si rasmi ah ula wareegto.

22 jirkan oo u dhashay waddanka Jarmalka, gaar ahaan magaalada Hamburg, ayaa waxa uu hore heshiisyo amaah ah ugu soo qaaday kooxda hadda sida rasmiga ah ula wareegtay, Preson iyo Middlesbrogu.

Xulka qaranka England oo uu u ciyaaray yaraantiisii ayaa rajaynayay inay haysan doonaan Lukas Nmecha, laakiin sannadkii 2019 ayuu si rasmi ah ugu digo-rogtay qarankiisa Jarmalka oo uu u ciyaari doono.

Wolfsburg ayaa bixinaysa £11 milyan oo Gini oo ay Manchester City ku xidhay heshiiska laacibkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More