QIIMAYN: 10ka Xiddig Ee Khadka Dhexe Ee Ugu Wanaangsan Premier League

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayay joogaan ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu hal-abuurka badan, kuwaas oo ay xaqiiqo tahay, in xataa ay sannadkan qaarkood u tartami doonaan abaal-marinta xiddiga Adduunka ee Ballon d’Or.

Xiddigaha khadka dhexe ayaa kaliya aan ku sugnayn naadiyada waaweyn, waxaase jira laacibiin u ciyaara kooxaha heerarka dhexe oo wacdaro dhigaya, isla markaana xogtooda shaqsiga ah ay gaadhsiisan tahay heer ay la loollamaan Kevin de Bruyne iyo Bruno Fernandes oo ah kuwa farta lagu fiiqo marka laga hadlayo ciyaartoyda dhexda ee ugu wanaagsan.

Qiimayn lagu sameeyey ciyartoyda khadka dhexe ee ugu fiican Premier League, waxa kaliya lagu dul-istaagay kubbad sameeyeyaasha iyadoo laga reebay kubbad-burburiyeyaasha, taas oo ka dhigan in N’Golo Kante iyo kuwo kale ay sugi doonaan qiimayntooda oo mar kale iyagana soo bixi doonta.

Xog ururiyaha Statsbomb ayaa raad-raac ku sameeyey ciyaartoyda khadka dhexe ee dhamaan kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana isagoo adeegsanaya shabakadda FBRef uu soo bandhigay qiimaynta ciyaartoyda ugu waxqabadka badan ee khadka dhexe ee hore, taas oo meesha ka saartay laacibiinta kubbad burburiyeyaasha ah.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaan waxba ka helin 10ka laacib, halka Manchester Metropolis ay tahay kooxda ciyaartoyda ugu badan ku leh oo ay saddex ciyaartoy kaga jiraan.

Rodri, Ilkay Gundogan iyo Kevin de Bruyne oo Man Metropolis ah ayaa liiska ku jira, waxaana soo raaca Pierre-Emile Hojbjerg oo Tottenham ah, Yves Bissouma oo u dhashay waddanka Mali una ciyaaara kooxda Brighton & Hove Albion, Declan Rice oo West Ham ah.

Sidoo kale, Mason Mount oo Chelsea ah ayaa ku jira liiskan, halka Bruno Fernandes uu booska kala baxay Kevin de Bruyne oo hore u ahaan jiray laacibka kaalinta koowaad kaga jira ciyaartoyda khadka dhexe.

Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee khadka dhexe ee ugu fiican Premier League:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More