Premier League Oo Sannadkii SHANAAD Oo Xidhiidh Ah Abaal-marin Siinaya

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa sannadkii shanaad oo xidhiidh ah waxay ku guuleysanaysaa abaal-marin ay ka heli doonto maamulka Premier League, taas oo lagu siin doono ciyaarta nadiifta ah iyo ciyaar wanaagga.

Liverpool ayaa noqotay kooxda ugu nadiifsan xilli ciyaareedkan ee samaysay qaladaadka ugu yar ee sababay kaadhadhka digniinta ah, illaa haddana ma jiro hal ciyaartoy oo kaadh casaan ah ka qaatay intii uu socday xilli ciyaareedkan 2020-21.

Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka, Liverpool ayaa waxa kaadhadh digniin ah ka qaatay 38 ciyaartoy 37 kulan oo horyaalka ah oo ay ciyaareen.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa ah kooxda kaliya ee abaal-marinta akhlaaq wanaagga ku guuleysatay saddex jeer iyo ka badan oo isku xiga intii uu jiray horyaalka Premier League, waxaanay sannadkan u noqonaysaa markii shanaad oo xidhiidh ah iyo markii sagaalaad ee intii uu horyaalka Premier League jiray.

Markii ugu horreysay ee ay Liverpool abaal-marintan qaadato ayaa waxay ahayd xilli ciyaareedkii 1994-95, waxaanay ku xigsiiyeen xilli ciyaareedkii xigay ee 1995-96 ka hor intii aanay laba sannadood oo isku xigay oo kale qaadanin oo kala ahaa 2006-07 & 2007-08, halka ay afar sannadood oo isku xiga oo ahaa 2019-20, 2018-19, 2017-18 iyo 2016-17, waxaana markii shanaad oo xidhiidha intii uu Klopp joogay u noqonaya xilli ciyaareedkan halka kulan ee kali ahi ka hadhsan yahay ee 2020-21.

Kooxda ugu sarraysa akhlaaq wanaagga ayaa hore waxa lagu abaal-marin jiray in ay si toos ah uga qayb-gasho Europa League haddii ay ku dhamaysato kaalmaha hoose, laakiin waxa sharcigan meesha laga saaray sannadkii 2015.

Kooxda kusoo xigta akhlaaq-wanaagga Liverpool waa Burnley oo qaadatay 47 kaadh oo digniin ah.

Naadiga ugu akhlaaqadda xun ayaa ah Sheffield United oo heerka labaad u dhacday oo qaadatay 70 kaadh oo huruud/jaale ah iyo saddex casaan/guduud ah.

Leicester Metropolis iyo Burnley ayaa ah labada kooxood ee kale ee xilli ciyaareedkan 2020-21 aan kaadh casaan ah qaadanin, halka Brighton ay heshay lix khaadh oo casaan, Arsenal ayaa 5 kaadh oo casaan ah qaadatay, West Brom oo 4 mar kaadh cas la siiyey iyo Aston Villa oo afar kaadh la siiyey ayaa iyaguna liiska akhlaaq xumada ku jira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More