Pep Guardiola Oo Dhisaya Boqortooyo Cusub, Dalab £100 Milyan Ah Oo Uu
Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u xadhko xidhatay sidii ay ku heli lahayd laacibka khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee Jack Grealish, kaas oo ay ka dhigatay bartilmaameedka koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, iyadoo haddaba diyaarisay dalab £100 milyan oo Gini ah oo maalmaha soo socda ay gaadhsiin doonto Villa.
Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya in uu laacibkan kaga hormaro Manchester United oo iyaduna doonaysa, si ay Man City usii ahaato boqortooyo Ingiriiska ah oo sidii United oo kale sannado badan loo xidho taajka guusha.
25 jirkan khadka dhexe ayaa waxa ka helay Pep Guardiola oo maamulka kooxda ay isla qaateen, in uu ciyaartoyga ay kusoo kordhinayaan xiddigaha Etihad Stadium jooga, si ay xilli ciyaareedka dambena awood ugu heli karaan in ay ku guuleystaan horyaalka Premier League oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey ay saddex ka mid ah hanteen.
Tababaraha reer Spain oo sidoo kale ay indhihiisu hayaan kabtanka Tottenham ee Harry Kane oo uu doonayo in uu ku beddelo Sergio Aguero oo ka tegaya xagaagan oo uu ku egyahay qandaraaskiisu.
Grealish ayaa bishii September ee sannadkii hore waxa uu saxeexay heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Aston Villa, xilligaas oo uu meesha ka saaray hadal-hayntii ka taagnayd mustaqbalkiisa, laakiin waxa la fahamsan yahay, in aanu doonayn in uu waqtigiisa ku lumiyo Aston Villa oo ay muuqato in aanay horyaal hanan doonin marka laga eego awooddeeda iyo kooxaha waaweyn ee dhisan ee hor-taagan.
Xiddigan reer England ee Jack Grealish ayaa noqon doona ciyaartoygii ugu qaalisanaa taariikhda Premier League haddii Man City ay £100 milyan oo Gini ka bixiso.
Kooxdan ayaan waligeed yeelanin ciyaartoyga ugu qaalisan horyaalka Premier League tan iyo sannadkii 2008, markaas oo ay £32.5 milyan oo Gini kula soo wareegeen Robinho, waxaanay ahayd waqtigii qoyska reer Abu Dhabi ay la wareegeen naadigan ee ay dhismaha ku bilaabeen.