Paul Pogba Oo Go’aanka Mustaqbalkiisa U Sheegay Xiddigaha Man United –

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa la xusayaa inuu asxaabtiisa kooxdaas u sheegay mustaqbalkiisa xilli si weyn loola xidhiidhinayo kooxda dalkiisa France ee Paris Saint-Germain.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Pogba ayaa u sheegay ciyaartoyda Man United inuu isagu go’aan gaadhay isla markaana uu filayo inay kooxda isku fahmaan.

Go’aanka Pogba la wadaagay xiddigaha kooxdiisa ayaa ah inuusan wax heshiis kordhin ah samayn doonin taas ayaana ka dhigan in la iska iibin doono gudaha suuqa xagaagan haddii kale uu xagaaga 2022 qaab bilaash ah ku bixi doono.

Gegida Parc des Princes ayaa ah meesha ugu macquulsan ee uu 28 sano jirkani u wareegi karo, PSG ayaa doonaysa inay 50 Milyan oo euro ku dalbato Paul.

Kooxda uu horkacayo tababare Mauricio Pochettino ayaa suuqa xagaagan wacdarro ka dhigtay iyada oo la saxeexatay Sergio Ramos, Georginio Wijnaldum iyo Gianluigi Donnarumma oo dhammaantood xor ah si lamid ah Achraf Hakimi oo ay 60 Milyan oo pound siisteen.

Saxeexyadaas iyo haysashada Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa ka dhigan inay Paris xilli ciyaareedka dambe tartame dhab ah u tahay Champions League waana sabab ku riixi karta Pogba inuu u dhaqaaqo kooxdaas.

Red Devils qudhooda ayaa ah kuwo suuqan si fiican uga dhex muuqda iyaga oo heshiis ay Real Madrid kala gaadheen saxeexa Raphael Varane xaqiijiyay xalay saddex maalmood kaddib markii ay rasmi u shaaciyeen Jadon Sancho oo ay Borussia Dortmund kala wareegeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More